25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Mucaaradka Soomaaliya waxay qaateen go’aan adag – Maxay tahay tallaabada xigta?

By Omar Mohamed
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan aan caadi aheyn oo ay Sabtidii si wadajir ah u soo saareen hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ayaa noqday dhacdo muhiim ah oo astaan u ah marxalad cusub oo ka bilaabaneysa muuqaalka siyaasadeed ee dalka.

Saddex iyo toban siyaasi oo caan ah — oo ay ku jiraan madaxweynayaal hore, ra’iisul-wasaareyaal iyo hoggaamiyeyaal mucaarad — ayaa si cad Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu eedeeyay kali-talisnimo, musuq-maasuq iyo xadgudub ku saabsan dastuurka.

Fariintooda waxay ahayd mid mideysan oo aan caadi ahayn — arrin naadir ku ah siyaasadda Soomaaliya. Hase yeeshee, iyadoo bayaanku ku sii faafayo gudaha dalka iyo dibedda, su’aasha weli taagan ayaa ah: maxaa xiga?

Midnimo jilicsan iyo xiisado sii kacaya

Shirka mucaaradka oo ka dhacay Muqdisho intii u dhaxeysay 27–31 May, ayaa markii ugu horreysay muddo dheer mideeyay koox siyaasadeed oo taariikh ahaan kala qaybsanaa, iyaga oo ka wada hadlay hal mowqif.

Bayaanka laga soo saaray wuxuu si cad uga hadlay tabashooyin qoto dheer oo ay ka qabaan maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay ku eedeeyeen in uu si ula kac ah uga reebay qaar ka mid ah siyaasiyiinta go’aan ka gaarista arrimaha dalka, in muddo xileedyo si sharci-darro ah loogu kordhiyay dowladaha xubnaha ka ah federaalka, iyo in si aan hufnaan lahayn loo maamulay kheyraadka dalka.

Inkasta oo muuqaalkan midnimo uu yahay tallaabo muhiim ah, mucaaradka Soomaaliya waxaa muddo dheer caqabad ku ahaa kala qaybsanaan. Isir-qabiil, loollanka goboleed iyo danaha shaqsiyadeed ayaa marar badan carqaladeeyay isku-duubnidooda. Lama saadaalin karo in isbahaysigan uu noqon doono mid joogto ah ama uu ku burburi doono culeysyada gudaha.

Dowladda federaalka weli si toos ah ugama aysan jawaabin eedeymaha mucaaradka.

Taageerayaasha Madaxweyne Xasan Sheekh waxay difaacayaan isbeddellada dhawaan dhacay — oo ay ka mid yihiin qorshaha lagu beddelayo dastuurka ku-meel-gaarka ah iyo hirgelinta nidaamka cod-bixinta dadweynaha — iyagoo ku tilmaamay tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo hay’adaha dowladda loogana guurayo siyaasaddii kooxaha awoodda ku salaysnayd.

Dhanka kale, dhaliilayaasha waxay u arkaan isbeddelladan dadaal lagu xoojinayo awoodda madaxtooyada. Sida ay dowladda u wajahdo fursadda wada-hadalka — in ay furto albaabada is-afgaradka ama ay keligeed sii waddo qorshaheeda — ayaa si weyn u saameyn doonta jihada siyaasadeed ee dalka bilaha soo socda.

Dastuurka oo sal u ah is-maandhaafka

Muranka ka taagan dib-u-eegista dastuurka ayaa noqday laf-dhabarta khilaafka. Mucaaradku waxay ku doodayaan in wax-ka-bedelladii ugu dambeeyay ee baarlamaanku ansixiyay iyadoo aysan jirin la-tashi ballaaran, ay si aan dheellitirnayn u kordhiyaan awoodda madaxweynaha, isla markaana ay wiiqayaan qaabka federaalka ee dalka.

Dowlad-goboleedyo ay ka mid yihiin Puntland iyo Jubaland ayaa durba hakiyay xiriirkii ay la lahaayeen dowladda dhexe, iyagoo uga jawaabaya isbeddelladaasi. Haddii hanaanka dib-u-eegista dastuurka uu sii socdo iyadoo aan la helin wadatashi qaran, waxaa jirta cabsi ah in khilaafka goboleed uu sii fido, taasoo dhaawici karta isku-duubnaanta qaranka xilli ay muhiim tahay midnimo siyaasadeed.

Mucaaradku waxay sidoo kale ka digeen in siyaasadaha Madaxweyne Xasan ay khatar ku yihiin xiriirka dowladda dhexe la leedahay dowlad-goboleedyada muhiimka ah sida Puntland iyo Jubbaland — kuwaas oo door weyn ka ciyaara dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, oo weli halis weyn ku haya guud ahaan dalka.

Iyadoo khilaafaadka gudaha ay sii fidayaan, waxaa laga cabsi qabaa in firaaqa siyaasadeed uu u gogol xaari karo kooxaha xagjirka ah, si ay dib isu abaabulaan una adeegsadaan tabashooyinka shacabka. Jawiga siyaasadeed ee burbursan wuxuu carqaladeeyaa wada-shaqeynta milateri, wiiqaa la-wadaagga xogta sirdoonka, wuxuuna hoos u dhigaa awoodda qaranka ee la dagaalanka argagixisada.

Beesha caalamka oo ka feejigan isbeddelka

Khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya ma aha kuwo gudaha ku kooban. Beesha caalamka — oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, iyo deeq-bixiyeyaasha waaweyn sida Mareykanka iyo Turkey — ayaa door muhiim ah ku leh dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya, iyaga oo bixiya taageero dhinaca amniga, miisaaniyadda, iyo la-talinta farsamada.

Ilaa iyo hadda, daneeyeyaasha caalamka waxay u muuqdaan kuwo si dheellitiran uga falceliyay doodad taagan. Si kastaba ha ahaatee, iyadoo xaaladda siyaasadeed ay kacsan tahay, waxaa laga yaabaa in cadaadiska beesha caalamka ee ku aaddan helitaanka is-afgarad uu kordho. Wadashaqeeyayaal badan ayaa ka cabsi qaba in geeddi-socodka doorashooyinka iyo dastuurka uu noqdo mid aan loo dhammayn ama aan la isla xisaabtamin.

Dowladaha shisheeye ayaa sidoo kale dheellitiri doona walaacyadooda la xiriira dib-u-dhaca dimoqraadiyadda iyo danahooda istaraatiijiyadeed — sida iskaashiga amniga iyo xasilloonida gobolka — taasoo ka dhigeysa dadaallada dhexdhexaadinta kuwo xasaasi ah oo aad muhiim u ah.

Fursadda wada-hadalka

Inkastoo hadallada labada dhinac ay sii adkaanayaan, haddana waxaa muuqata in labaduba ay weli u furan yihiin wadahadal — ugu yaraan fikrad ahaan. Mucaaradku waxay codsadeen in la qabto shir qaran oo loo dhan yahay si looga wada hadlo arrimaha taagan, oo ay kamid yihiin dib-u-eegista dastuurka, hannaanka doorashooyinka, iyo maamulka kheyraadka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta fidiyay gogol wadatashi, taas oo uu casuumaad ugu fidiyay saamileyda siyaasadda.

Wadahadal miro dhal ah wuxuu u baahan doonaa in labada dhinac ay tanaasul sameeyaan: dowladda waxaa laga yaabaa in ay dib u dhigto ama wax ka beddesho ajandaha isbeddellada, halka mucaaradkana looga baahanyahay in ay ka gudbaan dhaliil uun, oo ay keenaan siyaasad macquul ah iyo hannaan cad oo wadashaqeyn.

Bayaankii mucaaradka wuxuu ahaa mid culus, balse saameyntiisa dhabta ah waxay ku xiran tahay tallaabooyinka la qaado wixii ka dambeeya. Haddii uu horseedo wadahadal dhab ah iyo dib-u-habayn hay’adeed, wuxuu noqon karaa tallaabo hore loogu qaaday dhabbaha dheer ee dhismaha dimuqraadiyadda. Haddii taa lidkeeda uu sababo is-fahan la’aan ama kala daadsanaan hor leh, cawaaqibta ayaa noqon karta mid khatar ku ah xasilloonida dalka.

Iyadoo doorashooyin soo socda, caqabado amni ay sii kordhayaan, iyo kalsoonida beesha caalamka oo miiska saaran, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxay wajahaan go’aan cad: in ay ku adkaystaan mowqifyadooda ama ay doortaan waddada adag ee is-afgaradka iyo dhisidda isbaheysi qaran.

Si kasta oo ay noqoto, toddobaadyada soo socda ayaa muujin doona haddii khilaafkan siyaasadeed uu noqon doono isbeddel dhab ah — ama uu ka mid noqon doono fursadihii kale ee la seegay ee taariikhda kala guurka Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News