25.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Muxuu Fahad ka yiri dib u magacaabista Mahad Salaad?

By Omar Mohamed
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa hambalyo u diray Mahad Salaad, oo maanta dib loogu magacaabay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA).

Fahad, oo tan iyo markii ay kooxdiisa looga adkaaday doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si weyn u weerarayay Mahad Salaad, ayaa xitaa mar ku tilmaamay magacaabistiisa “heer halis qaran ah” markii ugu horreysay ee loo dhiibay hoggaanka NISA.

Hase yeeshee, wuxuu maanta soo saaray qoraal muujiyey isbeddel. “Taliye Mahad Salaad oo mar labaad loo magacaabay Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, waxaan leeyahay hambalyo, kusoo dhawoow mar kale NISA,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Sidoo kale, Fahad ayaa sagootiyay taliyaha xilka baneynaya, isagoo yiri: “Taliye Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), waxaan ku amaanayaa xurmada iyo qaddarintii naga dhaxaysay.”

Fahad ayaa shaaciyay in uu xiriir toos ah la lahaa Sanbaloolshe intii uu xilka hayay, isla markaana ay laba jeer kulmeen. Tan ayaa muujinaysa in Fahad uu haatan danaynayo xiriir wanaagsan oo uu la yeesho Mahad, maadaama uu horey usoo maray hoggaanka hay’adda.

Si kastaba ha ahaatee, Fahad oo xiriirka u jaray Farmaajo, ayaa hadda u muuqda mid beddelaya dhaqankii eedeynta iyo dhaleeceynta ee uu horey ugu wajahay Mahad Salaad, xilli mucaaradku uu cadaadis xooggan saaray Muqdisho, kadib markii dowladda ay ku adkeysatay hanaanka doorasho ee lagu muransan yahay.

Magacaabista Mahad Salaad oo maanta dhaqan-gashay ayaa si weyn loo hadal hayay toddobaadyadii lasoo dhaafay. Taliye Sanbaloolshe ayaa muddo dadaal ugu jiray inuu difaaco xilkiisa, balse ugu dambeyn waa laga qaaday xilka, iyadoo Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay uga mahad-celiyeen shaqadii uu soo qabtay.

Mahad Salaad ayaa lagu xusuustaa in, kadib markii uu xilka la wareegay doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh kadib, uu soo kordhiyey isbeddel amni oo muuqda, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo muddo ka nasatay weeraradii iyo qaraxyadii Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News