Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howl-galka kala guurka ee kaalmaynta QM ee Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisalaan Cabdi Cali.
Kulankan oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Danjire Swan ayaa ugu horrayn Wasiirka ugu hambalyeeyay xilka cusub ee dhowaan loo magacaabay, isagoo muujiyay taageerrada iyo kalsoonida Qaramada Midoobay ee ku aaddan wada-shaqeynta labada dhinac.
Intaas kaddib, wuxuu Wasiirka la wadaagay qorshayaasha xilliga kala guurka ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kuwaas oo diiradda saaraya horumarinta dowlad wanaagga, doorashooyinka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahad-celiyey Danjire Swan taageerrada iyo wada-shaqeynta joogtada ah ee Qaramada Midoobay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac.
Swan ayaa muddooyinkii dambe ku hawlanaa sidii la isugu keeni lahaa saamileyda siyaasadda, inkasta oo dadaalladan aysan weli kasoo bixin wax natiijo ah, haddana waxaa muuqata in beesha caalamka ay cadaadis horleh ku saareyso madaxweynaha Soomaaliya inuu la fariisto siyaasiyiinta mucaaradka.
Khilaafka doorashooyinka oo inta badan aysan heshiis rasmi ah ka gaarin siyaasiyiinta Soomaalida ayaa waxaa awood socodsiin ku leh beesha caalamka oo ayadu dhaqaale badan uga baxo dowladnimada Soomaaliya.