25.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Qaraxyo culus oo ka dhacay Sh/Dhexe + Khasaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xooggan oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay haatan ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Qaraxa koowaad oo ahaa miino ayaa waxaa la geliyay guri uu deegaanka Xawaadley ka dagan yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Macawiisleyda, kaas oo lagu magacaabo Jeylaani Faroole, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan hal askari oo kamid ahaa ilaaladiisa ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sarkaalka la weeraray ayaa lasoo wariyay inuu ka bad-badaaday qaraxa, waana hogaamiyaha ciidamada deegaanka ee la baxay Afjar ee ka howlgala Xawaadley.

Sidoo kale, Qaraxa labaad ayaa ka dhacay deegaanka Buurane oo hoostaga degmada Mahadaay, waxaana lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Burundi oo ku socdaalayay halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa uu haleeyay mid kamid ah kolonyada ciidamada waxaana jira khasaare gaaray, inkastoo aan la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana ciidamadu ay qaraxa kadib sii wateen socdaalkooda, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka ee ku sugan Buurane.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ciidamada la qarxiyay ee Burunti iyo sarkaalka kale ee lagu weeraray gurigiisa.

Weeraradan qaraxyada ah ee ka dhacay Shabeellaha Dhexe ayaa kusoo aadaya, xilli haatan gobolkaasi ay ka socdaan dagaallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab oo dhowaan dib u qabsatay deegaanno horay looga xoreeya oo dhaca maamul-goboleedka HirShabelle.

- Advertisement -

Read more

Local News