Marka dowladuhu ka cabsadaan guuldarro siyaasadeed, isbeddel ma raadiyaan ee waxay adeegsadaan xeelado kale oo dareenka bulshada lagu jeediyo. Arrintan ayaa hadda ka taagan Muqdisho, halkaas oo madax sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ay mucaaradka ku eedeeyeen inay wadaan qorshe siyaasadeed oo ay maalgeliso dowlad shisheeye.
Eedaymahan waxaa si gaar ah loogu jihaynayaa Imaaraadka Carabta, oo horay u ahaa saaxiib muhiim ah balse hadda loo sawirayo inuu yahay cadow siyaasadeed oo dowladda hadda jirta ka soo horjeeda.
Si kastaba ha ahaatee, lama soo bandhigin wax caddeyn ah oo muujinaysa jiritaanka arrintan—ma jiro dokumenti la soo bandhigay, ma jirto lacag la xaqiijiyay in la bixiyay, sidoo kale xiriir toos ah oo lagu kalsoonaan karo lama hayo. Waxa jira oo keliya waa tuhun abuurid, hadallo siyaasadeed oo aan xaqiiqo lahayn iyo eedaymo loo adeegsaday dano siyaasadeed oo gaar ah.
Dowlad sheeganaysa inay ilaalinayso madaxbannaanida Soomaaliya, marka ay adeegsato eedaymo aan caddaymo lahayn, waxay muujinaysaa cabsi iyo tabardarro ay ka qabto mucaaradka. Arrimahani ma aha digniino mabda’ ku salaysan balse waa xeelado siyaasadeed oo lagu weecinayo dareenka bulshada.
Arrintan ma ahan faragelin shisheeye balse waa cadaadis siyaasadeed oo gudaha ka imanaya. Hoggaamiyeyaasha mucaaradka, oo ay ku jiraan siyaasiyiin hore xilal muhiim ah u soo qabtay, shaqaale dowladeed hore, iyo dhaqdhaqaaqayaal bulsho, ayaa hadda Muqdisho isugu yimid inay mideeyaan mowqifkooda.
Waqtiga ay soo baxeen mucaaradka Muqdisho ma aha mid ku yimid si kedis ah. Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay hadda dhaaftay kala-barkii muddo-xileedkeeda, iyadoo dadweynaha Soomaaliyed uu sii yaraanayo dulqaadkii ay u hayeen xukuumadda.
Mucaaradku ma dalbanayaan kacdoon. Waxa ay dalbanayaan waa ka-qaybgal siyaasadeed, hufnaan maamul iyo qorshe cad oo lagu kalsoonaan karo oo lagu qabanayo doorashooyinka 2026-ka—arrimahan ayaanan ilaa hadda ka soo bixin dhanka dowladda Villa Somalia.
Halkii ay dowladda ka soo jawaabi lahayd baaqyada mucaaradka, waxay dooratay inay adeegsato xeelad soo jireen ah oo ah inay mucaaradka ku tilmaanto wakiillo shisheeye, cabsi abuurto, iyadoo adeegsanaysa dareenka waddaninimada. Balse xeeladahaas oo dhan way fashilmeen mar haddii aysan jirin wax xaqiiqo ah oo lagu tiirsan yahay.
Imaaraadka: Bartilmaameed sahlan
Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa sii xumaanayay muddo ka badan sannad, gaar ahaan xilli dowladda Muqdisho ay si aad ah ugu sii tiirsanaanayso Turkiga iyo Qatar.
Imaaraadka, oo mar ahaa xulufo muhiim ah, ayaa hadda dowladda Muqdisho u muujisay sidii cadow faragelinaya arrimaha gudaha, inkasta oo uu weli sii wado taageerada bani’aadannimo iyo horumarinta dalka.
Xaqiiqdu waxay tahay in dhammaan dowladihii Soomaaliya soo maray, oo uu ku jiro maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh, ay ku tiirsanaayeen taageero dibadeed. Taageero ciidan, mid dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeedba waxay ka yimaadaan dalalka kale, oo uu kamid yahay Imaaraadka Carabta.
Sababta taageerada shisheeye u noqoto mid dhib leh kaliya marka aysan soo marin Villa Soomaaliya, waxay caddaynaysaa inaysan arrintu ku xirnayn madaxbannaanida dalka ee ay tahay arrin la xiriirta awoodda siyaasadeed.
Xaqiiqada mucaaradka
Ka duwan waxa ay dowladdu sheegto, mucaaradkan hadda soo kordhaya ma aha mid shisheeye gadaal ka riixayo balse waa mid ay bulshada Soomaaliyeed taageero u tahay. Mucaaradku wuxuu matalayaa dareenka shacabka Soomaaliyeed ee ka daalay riwaayadaha siyaasadeed, kuwaas oo doonaya isla xisaabtan dhab ah, maamul daadejin dhab ah, caddeyn ku saabsan nidaamka federaalka, iyo doorasho xor ah oo xalaal ah.
In dalabaadkan lagu tilmaamo kuwo shisheeye ay gadaal ka riixayaan, waxay ahayd mid been abuur ah oo halis ku ah nidaamka dimuqraadiyadda. Waxay dhaawacaysaa kalsoonida dadweynaha waxayna fariin cabsi leh u diraysaa shacabka: qof kasta oo mucaarad ah waa qaran dumis.
Si kastaba, shacabka Soomaaliyeed waa kuwo waayo-arag ah, waxayna soo mareen sannado badan oo lagu soo maamulay marin-habaabin iyo colaad. Waxay si fudud u fahmi karaan dacaayadaha siyaasadeed marka ay arkaan.
Dowlad luminaysa kalsoonida dadweynaha
Marka dowladda federaalku ay mucaaradkeeda ku eedayso wax aan caddeyn loo hayn, waxay luminaysaa kalsoonida shacabka waxayna dhaawacaysaa sumcadda hay’adaha dowladda.
Dimuqraadiyad lama dhisi karo iyadoo mucaaradka la aamusinayo, cabsi la abuuro, qof kasta oo dhaliil keenaana lagu tilmaamayo inuu qaran dumis yahay. Haddii xukuumaddu rumaysan tahay inay taageero dadweyne haysato, waa inay soo dhaweeysaa tartanka siyaasadeed, ee ma aha inay ka dhigto dambi.
Haddii ay dowladda ka cabsanayso mucaaradka, waa inay isweydiiso sababta. Marka aad eedayso dad aan waxba galabsan, shacabka ayaa isweydiin doona waxaad qarinayso.
Gunaanad: Mustaqbalka Soomaaliya
Arrintan hadda taagan waa mid ka weyn siyaasadda kooxeed ama xisbiyo. Waa doorasho ay Soomaaliya ku kala dooranayso waddada dimoqraadiyadda furan iyo mid awood lagu haysto oo xiran.
Ololaha dacaayadda dowladda waa calaamad muujinaysa daciifnimo, ma aha mid awood lagu muujinayo. Dowladda way ogtahay inaysan guuleysan karin haddii loo tartamo waxqabad dhab ah, sidaa darteed ayay u adeegsanaysaa xeelado khaldan.
Mucaaradka waa inuu adkaystaa, shacabka Soomaaliyeedna waa inay feejignaadaan. Doorashada 2026 waxay noqon doontaa tijaabo dhab ah oo muujinaysa sida Villa Somalia u diyaar tahay inay dadweynaha fursad siiso inay go’aamiyaan mustaqbalkooda.
Mucaaradka waa inuu mar walba ka shaqeeyaa danta qaranka, waxaana hubaal ah in dacaayadaha dowladda aysan waxba ka beddeli karin xaqiiqada. Haddii mucaaradku midaysan yahay, shacabka Soomaaliduna feejigan yihiin, Soomaaliya waxay arki kartaa isbeddel dhab ah oo dimuqraadiyadeed.
Waqtigu wuu socda, hadallada marin-habaabinta ahina kama hortagi doonaan xaqiiqada soo socota.
Cabdiraxmaan Jeylaani Maxamed waa wariye ahna Agaasimaha Shabakadda Warbaahinta Arlaadi. Waxaad kala xiriiri kartaa barta X (Twitter): @JaylaaniJr.
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.