Muqdisho (Caasimada Online) – Halyeeyadii hore ee kubadda cagta Afrika ee ka soo ciyaaray horyaalada qaaradda Yurub iyo tartamada caalamiga ah, ayaa booqasho taariikhi ah ku jooga magaalada Muqdisho, iyaga oo sidoo kale booqday islamarkaana ka soo dukaameystay suuqa casriga ah ee Hayat Market, oo ah suuqa ugu weyn uguna casrisan Soomaaliya.
Xiddigii hore ee kooxda Barcelona, haatanna ah madaxa xiriirka kubadda cagta Cameroon, Samuel Eto’o, halyeeygii xulka qaranka Nigeria Jay-Jay Okocha, iyo weeraryahankii hore ee xulka qaranka dalka Togo Emmanuel Adebayor, ayaa ka soo dukaameystay qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Suuqa Hayat Market.
Waxaa xiddigahan caalamiga ah booqashadooda Suuqa ku wehliyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed Cabdiqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed (Shiino), iyo xubno kale. Waxaa sidoo kale halkaas si diirran ugu soo dhaweeyay howlwadeennada Hayat Market.
Halyeeyadii hore ee kubadda cagta Afrika ayaa si weyn ula dhacay tayada iyo baaxadda Suuqa Hayat Market, iyagoo sheegay inaysan filayn in noociisa oo kale laga heli karo dal sida Soomaaliya oo kale ah oo ka soo kabanaya burbur iyo dagaallo. Waxay xuseen in uu yahay suuq casri ah oo la mid ah kana tartami kara suuqyada waaweyn ee qaaradda Yurub.
Xiddigaha Afrika ayaa ku bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed horumarka ay ku tallaabsadeen iyo sida ay u aamineen una maalgasheen dalkooda hooyo. Waxay sheegeen in arrintaasi ay ka tarjumeyso waddaniyadooda iyo sida ay uga go’an tahay inay u adeegaan bulshadooda. Waxayna Soomaaliya u rajeeyeen horumar ka sii wanaagsan kan hadda jira.
Xiddigahan ayaa qeyb ka ahaa wafdi ka socda xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, kuwaas oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo qiimeynaya xaaladda amniga iyo sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay in ay marti-geliso tartamada caalamiga ah.