27.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Xiisadda ka taagan Muqdisho oo saameyn ku yeelatay BF – Maxaa dhacay maanta?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha magaalada Muqdisho ayaa haatan kasii dareyso, taas oo u dhexeyso dowladda federaalka iyo xubnaha mucaaradka oo intooda badan soo laabtay, si loo wajaho arrimaha doorashooyinka dalka.

Xiisadda ayaa saameyn ku yeelatay kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu u baaqday kooram la’aan, sida auu shaaciyay guddoonka golaha shacabka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka ayaa qaylo dhaan soo saaray, wuxuuna tilmaamay inay joogto noqotay in xildhibaannadu iska maqnaadaan, ayna saameysay howlihii shaqo ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

“Xildhibaannada imaatinkooda ciriiri ayuu iska noqday afar saac markii la gaaray waxaa lagu daray hal saac markii lagu darayne waxaan rabnay xildhibaannadii inay yimaadaan mana imaan” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka usoo xiray kooram la’aan.

Sidoo kale wuxuu qiray in xildhibaannada iyaga oo joogo Muqdisho aysan soo xaadirin kulanka maanta, taas oo muujineyso inay ku milmeen siyaasadaha is diidan ee dalka.

Xildhibaannada ayaa kuwooda mucaaraadka ah waxay haatan qayb ka yihiin abaabulka culus ee socda iyo kulamada ka dhanka ah qorshaha Villa Somalia ee qof iyo codka ah.

“Dad kooramka buuxiyo magaaladaan waa joogaan laakiin waa laga fiican yahay in mar kasta kooramka uu baryo noqdo oo la’isku rafaado aad ayaan uga xumahay” ayuu raaciyay.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa farriin culus u diray guud ahaan xildhibaannada, wuxuuna ka codsaday inay soo xaadiraan kulanka Arbcada, maadaama la galayo fasaxa ciidda, xajna la aadayo.

Muqdisho ayaa haatan marti-gelineyso siyaasiyiintii ugu badnaa oo mucaarad ah, kuwaas oo ku kacsan madaxweyne Xasan waxaana socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogleh.

Xubnaha mucaaradka ayaa Jimcihii lasoo dhaafay isugu tegay Mowlaca Macalin Nuur oo ay ku yeesheen shir siyaasadeed ay ku muujiyeen cududooda, kadibna waxay kulamo gaar gaar ah la bilaabeen wakiilada beesha caalamka oo ay kala hadlayaan xaaladda dalka.

Waxaa kale oo la filayaa inuu bilowdo wada-hadal u dhexeeyo saamileyda siyaasadda iyo Villa Soomaaliya, kaas oo uu aqbalay madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan sii bilaabay la kulanka xubnaha mucaaradka, wuxuuna xalay qaabilay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo dhowaan kusoo laabtay Muqdisho.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana la’isku fahmi la’yahay doorashada, iyada oo arrintaas ay sii dheer tahay dagaalka Al-Shabaab ee sii xoogeysanaya, maadaama gobollada Shabeellooyinka ay culeys soo saartay kooxda.

- Advertisement -

Read more

Local News