Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo toos ah la bilaabay xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ka wada magaalada Muqdisho, si loo qaboojiyo xiisadda taagan.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay qaabilay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maalmo kahor kusoo laabtay dalka, kuna biiray dhaq-dhaqaaqyada culus ee ay wadaan mucaaradka.
Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid ayaa ka wada-hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka ee uu muranka ka taagan yahay iyo dastuurka.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla soo qaaday khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeyo hoggaanka Villa Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kaas oo haatan weji cusub yeeshay, kadib markii markii ay magaalada Muqdisho soo galeen mucaaradkii ugu badnaa.
Kulankan ayaa hordhac u ah wada-hadal toos ah oo la filayo inuu dhowaan u bilowdo dowladda federaalka iyo mucaaradka, kaas oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo indhowaanahan la kulmayay cadaadis gudaha iyo dibadda ayaa haatan soo dabcay isaga oo beddalay mowqifkiisa, si wax looga qabto xiisadda taagan ee ka dhalatay hannaanka doorashada dalka.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynuhu aqbalay inuu la fariisto saamileyda siyaasadda oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kadib cadaadis xooggan oo uu kala kulmay wakiilada beesha caalamka oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo waddamada saaxibada la ah Soomaaliya.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in wakiiladu ay madaxweynaha la wadaageen in aan la aqbali karin hannaan doorasho ama xal siyaasadeed oo aan la isku raacsaneyn, maadaama hadda ay maqan yihiin laba maamul, mucaaradkana ay mar hore diideen qorshaha Villa Soomaaliya ee qof iyo cod.
Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo Jimcihii lasoo dhaafay siyaasiyiinta mucaaradka ay isugu tageen Mowlaca Macalin Nuur oo ay ku yeesheen shir siyaasadeed ay ku muujiyeen cududooda, kadibna waxay kulamo gaar gaar ah la bilaaben wakiilada beesha caalamka.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana la’isku fahmi la’yahay doorashada, iyada oo arrintaas ay sii dheer tahay dagaalka Al-Shabaab ee sii xoogeysanaya, maadaama gobollada Shabeellooyinka ay culeys soo saartay kooxda.