25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Xogta weerar lagu qaaday xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay saaka maleeshiyaad hubeysan ku qaadeen xabsi ay maamusho Puntland oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana xigay dagaal toos ah.

Maleeshiyaadka ayaa beegsaday xabsiga oo ay ku xiran yihiin maxaabiis xukuman iyo kuwa kale oo xukun sugayaal ah, waxaana kadib iska caabin ay kala kulmeen ciidamada ammaanka ee Punland.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedka kooxda weerarka qaaday uu ahaa inay xoog kusoo furtaan nin ku xiran xabsigaasi oo dil lagu xukumay xukumay, kadib markii lagu helay inuu horay dil uga gaystay deegaanka lagu magacaabi Daarul Salaam ee gobolka Mudug .

Ilo deegaanka ahaa ayaa inoo sheegay in dagaalka uu qaatay muddo ku dho hal saac oo xiriir ah waxaana jira khasaare kala duwan, inkastoo aan la caddeyn karin inta uu la’eg yahay.

Dhanka kale, ma jio wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammanka Puntland iyo mas’uuliyiinta waqooyiga Gaalkacyo ee ku aadan weerarka lagu qaaday xabsiga dhexe.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana lasoo wariyay in ciidamo dheeraad ah ay Puntland gaysay aagga lagu dagaalamay, si u xoojiyaan ilaalada xabsiga la weeraray.

Horay ayaa sidaan oo kale loo weeray xabsigan, waxaana taas ay keentay inay baxsadeen qaar kamid ah dadkii ku xirnaa oo ay ku jiraan xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo qaarkood ay ku xukumanaayeen dil toogasho ah.

Ragga baxsaday ee ka tirsanaa Al-Shabaab waxaa kamid ahaa Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) oo muddo kadib dhowaan uun laga soo qabtay aagga magaalada Camaara ee gobolka Mudug, kadibna lagu wareejiyay ciidamada ammaanka ee Puntland.

“Howlgal si taxadar leh loo qorsheeyay oo ay si wadajir ah u u fuliyeen Ciidamada Booliska,  shacabka ku dhaqan deegaanada Wisil iyo Bacaadwayne ayaa lagu soo qabtay xukumanaha, kaasi oo muddo ku dhuumaaleysanayey gudaha Gobolka Mudug” ayay tiri Puntland oo faah-faahin dheeraad ah horay uga bixisay howlgalka lagu soo qabtay Sayloor.

Waxaa kale oo lasoo raaciyay “Xukumane Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) ayaa ka tirsanaa shabakad falal dilal qorsheysan ah ka geysatay magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda, waxaana uu horey uga baxsaday gacanta Dawladda”.

- Advertisement -

Read more

Local News