100 qof oo ku geeriyootay dagaalka Soomaalida iyo Canfarta dalka Itoobiya

0
19
A member of the Afar Special Forces stands in front of the debris of a house on the outskirts of the village of Bisober, Tigray Region, Ethiopia, on Dec. 9. Several houses in the village were damaged during confrontations between the Tigray Forces and Ethiopian Defense Forces. EDUARDO SOTERAS/AFP via Getty Images

Jigjiga (Caasimada Online) – Ugu yaraan illaa 100 qof ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay ku dhinteen dagaal gobolka Sitti ku dhex-maray qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta ee ku nool qeybo ka mid ah Itoobiya.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Canfarta ay weerar ku qaadeen dad rayid ah oo u badan carruur iyo haween oo ku sugnaa gobolka Sitti, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in dhalinyarada gobolka ay sameeyeen iska caabin, isla-markaana ay dileen ugu yaraan illaa 25 ka tirsanaa raggii weerarka soo qaaday.

Qoraal ah kasoo baxay maamulka gobolka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhimashada ay gaareyso 100-ruux oo isugu jiro labada dhinac, halka dhaawaca uu ka badan yahay intaasi.

Dagaalladan oo ah kuwa soo noqo-noqday ayaa waxaa ka dhashay barakac, xaalado bani-aadamnimo iyo kuwa caafimaad oo ka taagan gobolka Sitti.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana weli is horfadhiya Soomaalida iyo Canfarta oo dhowr jeer isku dhacyo ay ku dhex-mareen halkaasi.