Abuu Cabaas, Muscab iyo xubno badan oo Shabaab ah oo lagu dilay howlgal

0
10
FILE - In this Monday, March 5, 2012 file photo, members of Somalia's al-Shabab militant group patrol on foot on the outskirts of Mogadishu, Somalia. International military forces carried out a pre-dawn strike Saturday, Oct. 5, 2013 against foreign fighters in the same southern Somalia village where U.S. Navy SEALS four years ago killed a most-wanted al-Qaida operative, officials said. (AP Photo, File)

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gal ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee DANAB iyo Nabad-sugidda Jubbaland ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galkan ayaa waxay ciidamada DANAB iyo kuwa Jubbaland ay ku dileen 23 kamid ah kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku jireen laba horjooge oo kala ahaa; Axmed Cali Faarax (Abuu Cabaas) iyo Geedi Warfaa Cali (Abuu Muscab).

Howl-galka qorsheysan ayey ciidanku ka fuliyeen deegaanada Biibi, Maalka-dhaqajo, Beer-xaani, Qudus iyo Yaaq dabayl oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee maamulka Jubbaland.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysay oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale waxay sheegeen in howl-galkaan ciidamada iskaashanaya ka fuliyeen deegaanadaasi ay ku burburiyeen xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Shabaabka.

Howl-galkaan ayaa daba socday howl-galo ay maalmihii dambe ciidamada DANAB iyo kuwa Jubbaland ka sameynayeen gobolka Jubbada Hoose, kuwaasi oo lagu soo qabtay xubno Shabaab ah laguna furtay hub kala duwan.

Howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa ka billowday deegaanada dowlad-goboleedka Jubbaland, ayada oo kooxda Al-Shabaab ay weli xoogan yihiin deegaano kamid ah maamulkaasi.

Dowladda ayaa guulo horleh ka sheegatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna shaacisay in tan iyo markii uu billowday wajiga koowaad ee howl-galada socda in lagu dilay illaa 3,000 oo ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna dhaawacay 3,700 oo kale.