Wasiirka amniga DF oo xil cusub u magacaabay Cabdifitaax Shaawey

0
9

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa wareegto ku magacaabay Agaasime ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha DF Somalia.

Wasiir Ducaale, ayaa Wareegtada ku magacaabay in Agaasime ku-xigeenka Guud ee Hay’adda uu noqon doono Md. Cabdifitaax Ibraahim Cumar ”Shaaweye”.

Wasiirka ayaa sheegay in markii uu dhinacyo badan ka eegay Mudanaha uu yahay mid u qalma xilka Agaasime ku-xigeen isla markaana uu kasoo bixi karo, sida ku xusan wareegtada uu soo saaray Wasiirka.

Agaasime ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa sanadihii ugu danbeeyay kamid ahaa shaqsiyaadka u dhabar adeegay xasilinta magaalada Muqdisho.

Agaasime ku-xigeenka ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladii Marxuum C/llahi Yuusuf ilaa iyo Dowladii dhacday ee uu Hogaaminaayay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.