Sawirro: Akoonadii lacageed ee Al-Shabaab oo la xiray

0
3022

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaran ee ka hortegga lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maalgalinta Agagixisada ee DFS oo maanta kulan xasaasi ah ah oo miro-dha ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ayaa soo saaray qodobo wax ku ool ah oo lagu cunaqabeynayo kooxaha Khawaarijta, gaar ahaan Al-Shabaab iyo Daacish.

Shirka waxaa guddoomiyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, waxaana goobjoog ahaa xubnaha guddiga sida, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Amniga, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Isgaarsiinta, Hayโ€™adda NISA, Heyโ€™adda Warbixinada Maaliyadda iyo Hayโ€™adda isgaarsiinta Qaranka

Inta uu socday shirka ayaa waxaa looga dooday sidii loo dardar-galin lahaa qorshe yaasha ka dhanka ah dhaqaale uruuriska kooxaha argagixisada ee inta badan tibaatooyin ku haya bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale warsaxaafadeed laga soo saaray shirkan ayaa waxaa lagu sheegay in la xiray in ka badan 575 taleefoon oo Al-Shabaab ay u adeegsan jireen uruurinta lacagaha iyo hanjabaadda shacabka. Sidoo kale waxaa la xayiray illaa 21 akoon Bank oo ay isticmaali jireen kooxaha Argagixisada.

Waxaa kale oo lagu guuleystay in la xiro 88 xisaabaad ganacsi (Marchants) oo loo isticlaamayay lacagaha baaddda ah iyo lacag dhaqidda, sida lagu sheegay warbixinta.

Hoos ka akhriso go’aannada culus ee laga soo saaray, laguna cunaqabateeyay kooxaha Khawaarijta;

๐–๐€๐‘๐†๐„๐‹๐ˆ๐/๐ƒ๐ˆ๐†๐๐ˆ๐ˆ๐

๐‡๐Ž๐‘๐Œ๐”๐Œ๐€๐‘๐Š๐€ ๐‹๐€๐†๐€ ๐†๐€๐€๐‘๐€๐˜ ๐ƒ๐„๐†๐€๐€๐‹๐€๐ƒ๐€ ๐Š๐€ ๐ƒ๐‡๐€๐๐Š๐€ ๐€๐‡ ๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐Š๐Ž๐Ž๐—๐€๐‡๐€ ๐Š๐‡๐€๐–๐€๐€๐‘๐ˆ๐‰๐“๐€

19-Luulyo-2025:โ€”Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay xoojisay dadaallada lagu burburinayo dhaqaalaha & maaliyadda kooxaha argagixisada ay u adeegsadaan maalgelinta hawlgalladooda guracan. Dowladdu waxay dejisay qorshe gaar ah oo lagu cuuryaaminayo dhaqaalaha argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga, loogana hortago khataraha argagixisada.

Qorshaha cuurmaayinta maaliyadda argagixisadu, waa xeelado iyo tallaabooyin kala duwan oo loogu talagalay in lagu aqoonsado, la baaro, la xannibo, cadaaladana la horgeeyo. dhaq-dhaqaayada maaliyadeed ee sharci darrada ah.

Qorshahan wuxuu dowladda ka caawiyay la-dagaalanka maalgelinta argagixisada & wuxuuna xoojiyey hufnaanta guud ee nidaamka maaliyeed dalka, isla markaana horseeday kobaca dhaqaalaha & xasiloonida dalka.

Inta u dhaxeysay 1da Janaayo ilaa 30ka June 2025, dowladda ayaa qaaday tallaabooyin muhiim ah oo loo qorsheeyey in lagu bartilmaameedsado dhaqaalaha kooxaha khawaarijta, waxaana la gaaray guulaha hoose: –

  • ๐–๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐ค๐š ๐›๐š๐๐š๐ง ๐Ÿ“๐Ÿ•๐Ÿ“ ๐ญ๐ž๐ฅ๐ž๐Ÿ๐จ๐ง ๐ฅ๐š๐ฆ๐›๐š๐ซ ๐จ๐จ ๐š๐ฒ ๐š๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐ฎ ๐ฎ ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ฌ๐š๐ง ๐ฃ๐ข๐ซ๐ž๐ž๐ง ๐œ๐š๐›๐ฌ๐ข-๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š, ๐ก๐š๐ง๐ฃ๐š๐›๐š๐š๐๐๐š, ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐ค๐ž๐ฒ๐๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฅ๐š๐œ๐š๐ ๐š๐ก๐š ๐›๐š๐š๐๐๐š ๐š๐ก.
  • ๐Ÿ๐Ÿ ๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐š๐š๐ ๐›๐š๐ง๐ ๐ข (๐๐š๐ง๐ค ๐€๐œ๐œ๐จ๐ฎ๐ง๐ญ๐ฌ) ๐š๐ฒ ๐ข๐ฌ๐ญ๐ข๐œ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐š๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐š ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐š๐ฒ
  • ๐ˆ๐ง ๐ค๐š ๐›๐š๐๐š๐ง ๐Ÿ–๐Ÿ– ๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐š๐š๐ ๐ ๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข (๐Œ๐ž๐ซ๐œ๐ก๐š๐ง๐ญ๐ฌ) ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ ๐ข๐ฌ๐ญ๐ข๐œ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฅ๐š๐œ๐š๐ ๐š ๐›๐š๐š๐๐š ๐š๐ก & ๐ฅ๐š๐œ๐š๐  ๐๐ก๐š๐ช๐ข๐๐š ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฌ๐ข๐๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐ž ๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐š๐ฒ.
  • ๐–๐š๐ฑ๐š๐š ๐œ๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ฅ๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ฑ๐ฎ๐›๐ง๐จ ๐›๐š๐๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ญ๐ข๐ซ๐ฌ๐š๐ง๐š๐š ๐ค๐จ๐จ๐ฑ๐š๐ก๐š ๐š๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐š ๐ค๐ฎ๐ฐ๐š๐š๐ฌ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐ก ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ก๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ง๐š๐š ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฅ๐š๐œ๐š๐ ๐š๐ก๐š ๐›๐š๐š๐๐๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐ช๐š๐š๐๐จ ๐ ๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š
  • ๐–๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฌ๐ข ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฅ ๐ฅ๐ž๐ก ๐ฅ๐จ๐จ ๐›๐š๐ซ๐ญ๐ข๐ฅ๐ฆ๐š๐š๐ฆ๐ž๐ž๐๐ฌ๐š๐๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐ง๐š ๐ค๐ก๐š๐š๐ซ๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ก๐จ๐ซ๐ฃ๐จ๐จ๐ ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฅ ๐ค๐š ๐ญ๐ข๐ซ๐ฌ๐š๐ง ๐š๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐š ๐ค๐ฎ๐ฐ๐š๐š๐ฌ ๐จ๐จ ๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐ฌ๐š๐š๐ง๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š, ๐š๐ฒ๐š๐๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฐ๐ข๐ข๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ง๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฌ๐ก๐š๐›๐š๐ค๐š๐๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐ค๐จ๐จ๐ฑ๐š๐ก๐š ๐š๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐š
  • ๐–๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฅ๐š ๐›๐ฎ๐ซ๐›๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐›๐š๐ซ๐จ ๐ค๐š๐ง๐ญ๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฅ๐จ ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐จ๐ฑ๐š๐ก๐š ๐š๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐š ๐ฎ ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฅ๐š๐œ๐š๐ ๐š๐ก๐š ๐›๐š๐š๐๐š ๐š๐ก & ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ฆ๐จ ๐ฅ๐š๐œ๐š๐ ๐š๐ก๐š ๐ค๐ฎ ๐ค๐ž๐ฒ๐๐ข๐ฒ๐จ.

Dowladdu waxay ku guuleysatay dadaalladan iyada oo kaashanayso shacabka & shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay. waxaana wacyigelin ballaaran loo sameeyey bulshada si ay uga digtoonaadaan khataraha maalgelinta khawaarijta, isla markaana uga qayb qaataan la dagaalanka maalgeinta khawaarijta.

Sidoo kale, dadaalladan ayaa ka hirgalay xeerarka kala duwan ee dowladda. Ujeeddadu waa in la dhiso iskaashi qaran oo mideysan, lagana hortago khataraha khawaarijta xeer kasta.

Dowladda Federaalka, ayadoo ka duulayso waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran dhowrista sharciga, iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, Waxaa ka goโ€™an fulinta qorshayaasha qaran ee ka-hortaga lacag dhaqida iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada.

Ugu dambeyn, dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag uga digaysaa in bulshada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay ku lug yeeshaan falalka la xiriira baadda ay argagixisada shacabka ka qaado, sida bixinta, uruurinta, fududeynta lacagaha ama agab loo isticmaali karo hawlaha argagixisada. Qof kasta oo lagu helo maalgelin argagixiso, waxaa laga qaadi doonaa taabooyin adag oo sharciga waafaqsan.