Amnesty: Al-Shabaab waa inay si deg deg ah u joojiyaan weerarada SHACABKA

0
9
Hard-line Islamist Al Shabab fighters conduct military exercise in northern Mogadishu's Suqaholaha neighborhood, Somalia, Sunday Sept. 5, 2010. The group's senior officials said the young fighters have recently completed training to join what they said to be a global war against the enemy of Allah. (AP Photo/ Farah Abdi Warsameh)

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa si adag uga hadashay qaraxyadii lagu hoobtay ee Zoobe 2 ee magaalada Muqdisho, kaasi oo Sabtidii ay ka fulisay Al-Shabaab.

Amnesty ayaa waxay si kulul u cambaareysay qaraxyadaasi oo galaaftay nolosha shacab badan oo Soomaaliyeed, iyadoo baaq deg deg ah u kala dirtay dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab.

Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu horeyntii ugu baaqday kooxda Al Shabaab inay joojiyaan weerarada aan loo meel dayin ee ku dilayaan shacabka.

Sidoo kale waxay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqday inay xaqiijiyaan amaanka dadka rayidka ah, oo inta badan ay dhibaatada kasoo gaarto falalka ay fuliyaan argagixisada.

Waxay tilmaamtay hay’addu in weerarada ay Al Shabaab geysanayaan ay yihiin fal dambi, islamarkaana ay muhiim tahay in kuwa lagu tuhmayo inay masuul ka yihiin loo maxkamadeeyo.

Qaraxyadii Sabtidii ka dhacay isgooska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa galaaftay nolosha dad kor u dhaafaya boqol, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay in ka badan 340 qof.