BF Somalia oo mooshin ka diyaariyey ciidamada Kenya

0
11
Kenya Defense Forces (KDF) arrive on September 22, 2013 at the Westgate mall in Nairobi. Kenyan troops were locked in a fierce firefight with Somali militants inside an upmarket Nairobi shopping mall on September 22 in a final push to end a siege that has left 43 dead and 200 wounded with an unknown number of hostages still being held. Somalia's Al Qaeda-inspired Shebab rebels said the carnage at the part Israeli-owned complex mall was in retaliation for Kenya's military intervention in Somalia, where African Union troops are battling the Islamists. AFP PHOTO / SIMON MAINA (Photo credit should read SIMON MAINA/AFP/Getty Images)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wada mooshin culus oo ka dhan ah ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Ururka Midowga Africa ee AMISOM.

Sida ay ogaatay Caasimada Online qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa diyaariyey mooshinkan oo u jeedkiisu yahay, sidii ciidamada Kenya looga saari lahaa dalka.

Sidoo kale waxa uu qorshuhu yahay in mooshinkani golaha la horgeeyo, marka uu furmo Kalfadhiga todobaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Mudanayaal ka tirsan golaha shacabka ayaa sheeegay in xildhibaanadu ay dhameystireen mooshin ka dhan ah ciidamada Milatariga dowladda Kenya.

Mooshinkan ayaa daba socda go’aankii baarlamaanka Kenya ay u gudbiyeen xukuumadda Nairobi oo ahaa in Biyaha ay sheeganeyso la geeyo ciidamo ka difaaca Soomaaliya.

Kenya ayaa dhowr jeer qaaday tallaabo ka dhan ah Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay farogelin ku heysaa arrimaha doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo la filayo in beri ay ka dhacdo gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas ayaa horay u shaaciyey in dowladda Kenya ay taageereyso Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana sidoo kale warqad shalay ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda lagu sheegay in ay ka walaacsan tahay qoraalkii dhowaan ka soo baxay ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]