Booliska oo qaaday tallaabo culus kadib dagaalkii shalay ka dhacay Muqdisho

0
11
Somalian soldiers drive on the back of a military vehicle in a street near a hotel in Mogadishu on March 15, 2024. Sporadic explosions and gunfire rang out from a popular hotel in the Somali capital early on March 15, 2024, many hours after Al-Shabaab fighters attacked the site near the presidential palace. The assault late on March 14, 2024 broke a relative lull in violence by the Al-Qaeda-linked jihadist group, demonstrating its continued ability to strike despite a major military offensive against the militants. (Photo by Hassan Ali ELMI / AFP)

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal gelinkii dambe ee Talaadadii shalay ka dhacay gudaha degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kaas oo u dhexeeyay Booliska iyo rag kale oo hubeysan oo ku sugnaa guri laga dhisayay waaxda Neero ee degmadaasi.

Afhayeenka Booliska, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa soo bandhigay hub ay soo qabteen ciidamada amniga, kadib dagaalkii ka dhacay degmada Cabdicasiis, wuxuuna tilmaamay in lasoo xiray 3 eedeysane, 4 kalena ay baxsadeen.

Cabdifitaax ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Booliska oo fulinayay amar kasoo baxay maxkamadda ay soo weerareen kooxdaas oo lasoo abaabulay, sida uu hadalka u dhigay.

“Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga degmada Cabdicasiis oo fulinaayo amar kasoo baxay maxkamadda ayaa waxaa soo weeraray kooxo abaabulan oo dano gaar ah leh oo raba inay si sharci darro ah ku dhistaan dhul” ayuu yiri afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Awaamiirta kasoo baxda maxkamadda waxa uu Booliska Soomaaliyeed u xil saaran yahay inuu fuliyo, waana la fuliyay howlgalkii”.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in haatan ay socoto baaris, isla markaana maleeshiyaadka gaystay falkan oo uu hoggaaminayay nin ka tirsan Booliska lagula xisaabtami doono khasaarihii ka dhashay dagaalkaasi.

Afhayeenka Booliska ayaa sidoo kale u digay cid kasta oo isku deyda inay ka hortimaado sharciga, isaga oo ku goodiyay inay ka qaadi doonaan tallaabo adag oo sharci ah.

Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca isku dhacyo hubeysan, kuwaas oo gaysta khasaarooyin oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo bubur hantiyeed oo xooggan.