Ciidamada Israel oo weerar ku dilay Falastiiniyiin badan

0
6
Israeli border police force secure the site of a shooting attack near a synagogue in Jerusalem, Friday, Jan. 27, 2023. A Palestinian gunman opened fire outside an east Jerusalem synagogue Friday night, killing several people and wounding five others in one of the deadliest attacks on Israelis in years, medical officials said. The attack was halted when the gunman was shot by police. (AP Photo/Mahmoud Illean)

Jerusalem (Caasimada Online) – Lix Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen xerada qaxootiga ee Jenin ee daanta galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka dhintay uu mas’uul ka ahaa dilka laba wiil oo Israa’iiliyiin ah oo walaalo ahaa.

Weerarkii Hawaari lagu qaaday ayaa waxaa cambaareeyay beesha caalamka oo dhan.

Duulaanka oo dhacay galabnimadii Talaadada ayaa ka dhacay xero qaxooti oo inta badan bartilmaameed u ah howlgallada Isra’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

Milatariga Isra’iil ayaa sheegay in ay adeegsadeen gantaalada garbaha laga rido ka dib markii dagaalyahano hubeysan oo deegaanka ah ay rasaas ku fureen ciidamo saarnaa gaari ambalaas ah.

Waxaa la sheegay in rasaas xooggan la is weydaarsaday, iyadoo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayaan qiiq ka baxayay dhismo iyo diyaarado Helikobterro ah.

BBC