Ciidamada Kenya oo weerar cusub ka fuliyey GEDO

0
7
Kenya Defense Forces (KDF) arrive on September 22, 2013 at the Westgate mall in Nairobi. Kenyan troops were locked in a fierce firefight with Somali militants inside an upmarket Nairobi shopping mall on September 22 in a final push to end a siege that has left 43 dead and 200 wounded with an unknown number of hostages still being held. Somalia's Al Qaeda-inspired Shebab rebels said the carnage at the part Israeli-owned complex mall was in retaliation for Kenya's military intervention in Somalia, where African Union troops are battling the Islamists. AFP PHOTO / SIMON MAINA (Photo credit should read SIMON MAINA/AFP/Getty Images)

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ciidamada dalka Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in weerar cusub oo duqeyn ah ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobolkada Gedo oo dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.

Weerarka oo loo adeegsaday madaafiic ayaa ka dhacay deegaanka Dhamase oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa la sheegay in duqeynta ay ku gaareen gudaha deegaankaas oo ay sugan yihiin dad u badan reer Mii ah, islamarkaana Xoolo dhaqato ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeymahaasi ciidamada Kenya ay ku baabi’iyeen Xoolo aad u fara badan oo ay lahaayeen dadka deegaanka.

Shacabka ayaa sidoo kale bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta duqeymahaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta degmada Ceelwaaq iyo kan gobolka Gedo oo ku aadan weerarkaasi.

Inta badan ciidamada Kenya ayaa dhibaatooyin xoogan ka geysta koonfurta Soomaaliya, iyaga oo tacadiyada ugu daran ka wadaan gobolka Gedo ee maamulka Jubaland.