Ciidanka Ahlu-Sunna oo ku dhowaaday Dhuusamareeb iyo wararkii ugu dambeeyey

0
7
Somali militants from the pro-government Ahlu Sunna Waljamaca (ASWJ) group perform a religious hymn during a military exercise in the Bermuda neighborhood in southern Mogadishu, May 15, 2010. Somalia's government on March 15 agreed to bring the moderate Sufi militia group on board to fight against Islamist rebels threatening to topple the administration. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA - Tags: POLITICS CIVIL UNREST RELIGION)

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xoogaga hubeysanee ee Ahlu Sunna ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka billaabeen deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Xoogaga Ahlu Sunna oo fadhigooda yahay deegaanka Bohol oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maanta soo gaaray deegaano u dhaxeeyo Bohol iyo Dhuusamareeb.

Deegaanka ay ciidamadaan soo gaareen ayaa waxaa kamid ah degaannada Laasxaadow iyo Bali-bire, waxayna halkaas ka sameysteen dhufeysyo adag, sida aan xog ku helnay.

Deegaanada ay soo gaareen xoogaga Ahlun Sunna ayaa waxaa ku sugnaa maleeshiyo Beeleedyo, waxayna dadka deegaanka sheegayaan inaysan dareemeen cabsi dhanka amniga ah.

Degaannada u dhaxeeya Bohol iyo Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug iyo xoogagga Ahlu-Sunna.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa taagneyd cabsi ku aadan in xoogaga Ahlu Sunna ay doonayaan inay soo weeraraan magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugan yihiin ciidamada Galmudug iyo kuwa ay halkaas geysay Dowladda Soomaaliya.

Ahlu Sunna oo dhawaan dagaal looga saaray Magaalada Guriceel ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ku jirtay hub aruursi iyo diyaar garow, waxaana laga cabsi qabaa inuu mar kale dagaal ka dhex qarxo Ahlu Sunna iyo Galmudug.