Ciidanka KENYA oo gudaha u galay saldhig Al-Shabaab ay lahaayeen kadibna dilay…

0
6
Police officers stand near a cordon at the scene where police are exhuming bodies of victims of Christian cult that has led to death of dozens of followers, at a forest in Shakahola area, outskirts of Malindi town, Kenyan Coast Tuesday, April 25, 2023. Kenya's president William Ruto said Monday that the starvation deaths of dozens of followers of pastor Paul Makenzi, who was arrested on suspicion of telling his followers to fast to death in order to meet Jesus, is akin to terrorism (AP Photo)

Gaarirsa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in maanta ciidamada difaaca ee dalkaas ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen agagaarka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidanka Kenya ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Xarboole-Faafi, halkaas oo ay u isticmaali jireen sameynta qaraxyada ay ku aasaan waddooyinka isku xira gobollada Waqooyi Bari iyo Laamu ee dalkaasi Kenya.

Laamaha amniga Kenya ayaa shaaca ka qaaday in hwolgalkaas lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood, sidoo kalena lagu dhaawacay tiro kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada weerarka qaaday ee gudaha u galay saldhiggaas ayaa soo furtay agab qaraxyada laga sameeyo, daawooyin iyo qalab kale, sida ay sheegeen saraakiishu.

Ilo wareeyada ayaa intaasi ku sii daray in la tuhunsan yahay in goobtan ay eheyd xarunta kaydka saadka Shabaabka ka dagaalama gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Taliska ciidanka ayaa sidoo kale u mahadceliyay dadka deegaanka oo ay sheegeen inay la soo wadaageen xogtaas, sidoo kalena ay kala shaqeeyeen howlgalka lagu qaabay goobta.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa halkaasi, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Maalmihii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, kuwaas oo u badan qaraxyo khasaare u gaysta ciidanka dalkaas iyo shacabka.

Si kastaba, Kenyaayaa  qayb ka ah dagaalka ka socda Soomaaliya, waxayna ciidamo ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo caawiya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.