Cumar Cabdirashiid oo si adag uga hadlay xiisadda Gaalkacyo, una digay Puntland

0
4595

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa si cad uga horyimid dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo maamulka Puntland uu ka wado magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Cumar Cabdirashiid ayaa uga digay madaxda maamulka Puntland inay ka fogaadaan hurinta dagaal cusub, isagoo sheegay in Gaalkacyo aysan ahayn buuraha Calmiskaad ee ay ka socdeen howl-gallada ka dhanka ah kooxda Daacish, isla markaana aysan habboonayn in awood ciidan loo adeegsado dagaal uu ku tilmaamay mid “gardarro ah” oo ka dhan ah ciidamo kale oo Puntland ah, iyadoo aanu jirin, sida uu sheegay, saldhig sharci ah oo lagu cuskado tallaabadaas.

Qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa X, ayuu ra’iisul wasaarihii hore ku sheegay in hubka iyo awoodda ciidan ee loo weecinayo colaadda ka soo cusboonaaneysa Gaalkacyo ay si weyn u wiiqi karaan awoodda iyo agabka loo baahan yahay si loo sii wado dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Wuxuu sidoo kale ka digay in haddii uu isku dhac ka qarxo magaalada Gaalkacyo uu yeelan karo cawaaqib amni iyo mid bani’aadantinimo oo culus, sidoo kalena horseedi kara xasillooni-darro ku baahda gobolka, barakac shacabka soo gaara iyo suurtagalnimada in ciidamo kale ay ku lug yeeshaan iska horimaadka.

Cumar Cabdirashiid ayaa farriin u diray mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, isimada dhaqanka iyo culimada Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay inay qaataan door muuqda oo lagu baajinayo colaadda. Wuxuu ku adkeystay in wada-hadal iyo is-afgarad ay yihiin waddada keliya ee lagu xallin karo khilaafaadka jira, halkii loo adeegsan lahaa awood ciidan.

Hadalka ra’iisul wasaarihii hore ayaa kusoo beegmaya iyadoo horraantii toddobaadkan maamulka Puntland uu uga digay Galmudug in deegaannadeeda loo soo mariyo saanad ciidan iyo ciidamo la sheegay inay u sii gudbayaan dhinaca Puntland, taas oo ku tilmaantay arrintaasi mid khatar ku ah amniga deegaannadeeda.

Dhankeeda, maamulka Galmudug ayaa ka jawaabay hadalka Puntland, isagoo sheegay in uusan diyaar u ahayn dagaal ka dhaca magaalada Gaalkacyo. Galmudug waxay ku baaqday in khilaafaadka ka dhex taagan Puntland lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad, isla markaana aan magaalada Gaalkacyo loo adeegsan goob lagu xalliyo murannada siyaasadeed ama kuwa ciidan.

Si kastaba, xiisadda ka taagan Gaalkacyo ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo inay saameyn ku yeelato amniga gobolka Mudug iyo dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada. Waxaana isa soo taraya baaqyada uga imanaya siyaasiyiinta, waxgaradka iyo bulshada rayidka ah ee ku aaddan in dhinacyadu ka fogaadaan dagaal, isla markaana mudnaanta siiyaan wada-hadal iyo xal nabadeed.