Gaas oo weerar ku qaaday beesha caalamka kadib markii uu ka danqaday…

0
6

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa eedeyn kulul u jeediyay Beesha Caalamka kadib markii uu sheegay inay ka gaabinayaan wax ka qabadka Abaaraha ka taagan deegaanada Maamulka.

C/wali Gaas waxa uu sheegay in muddo dhowr jeer ah ay Beesha Caalamka ku wargaliyeen xaalada adag ee ka taagan Deegaanada Maamulka.

C/wali Gaas waxa uu tilmaamay in Beesha Caalamka ay qeyb ka tahay dhibaatooyinka ka taagan Deegaanada maamulka ee saameynta ba’an u geystay Dadka iyo Xoolaha, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu xusay in loo baahan yahay in shacabka Puntland ay isku tashtaan kana shaqeeyaan sidii ay ugu gurman lahaayeen Walaalahooda dhibaateysan.

Haddalka C/wali Gaas ayaa imaanaya xili dhawaan mid kamid ah Hay’adaha gargaarka QM lagu qabtay Raashiin dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]