Daawo: Shacab lagu laayay BARIIRE kadib markii…

0
14
U.S. Army Spc. Alan George, 1st Battalion, 124th Infantry Regiment, Bravo Company watches the surrounding area before mortar training Aug. 8, 2016, at Arta, Djibouti. The Soldiers fired rounds from M224 and M252 cannons to practice hitting target areas. The 1-124, a component of Combined Joint Task Force-Horn of Africa, is deployed from Cocoa, Fla., to perform security operations in the region. (U.S. Air Force Air Force photo by Staff Sgt. Eric Summers Jr./Released)

Bariire (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in khasaare badan uu kasoo gaaray dad shacab ah dagaal ka dhacay duleedka deegaanka Bariire, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo Al-Shabaab, kadib markii madaafiic lagu gaaracay halkaasi.

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa la sheegay inay ku dhaceen xaafado ka tirsan tuulada Balow oo hoostagta Bariire waxaana ku dhammaaday dad shacab ah oo aan waxba galabsn.

Ku dhowaad 15 qof oo rayid ah, una badan dad beeraley ah ayay waxyeelo kasoo gaareen hoobiyeyaasha ku dhacay halkaasi, kuwaas oo dhaawacyadooda la keenay Muqdisho.

Laba kamid ah dhaawacyada lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ayaa isbitaalka ku geeriyooday, halka kuwa kale haatan lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad.

Sidoo kale dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxaa ku jira dad isku qoys ah, sida carruur iyo waalidkood.

Aabe Ibraahim Siidow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 4 kamid ah carruurtiisa ay ku dhinteen hoobiyeyaasha, halka wiil kale, hooyadiis, aabihiis iyo xaaskiisa ay dhaawac yihiin.

“Carruuteyda 5 ayay ahaayeen 4 waa iga dhimatay midna waa dhaawac, sidoo kale hooyo, aabe iyo xaaskeyga waa dhaawac halis ah” ayuu yiri Aabe Ibraahim Siidow.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday inay gurmad deg-deg ah u fidiso, maadaama uu yahay nin beeraley ah oo aan waxba haysan.

“Dowladda Soomaaliya waxaan ka codsanayaa amarkan waa dhacay nin beeraley ayaan iska ahay oo masaakiin ah waxba aan haysan oo xoogsade ah waxaan ka codsanayaa taakuleyn deg-deg ah in la’isoo gaarsiiyo” ayuu sii raaciyay.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo laa laabtay Bariire, waxaana horay sidaan oo kale loogu laayay dad shacab ah, kadib duqeymo ay diyaarado dagaal ka fuliyeen gudaha deegaankaasi.