Dagaal ka dul socda Markab kusoo caariyay mid kamid ah Xeebaha Somalia

0
11
TO GO WITH AFP STORY BY JEAN-MARC MOJON A Somali, part armed militia, part pirate, carries his high-caliber weapon on a beach in the central Somali town of Hobyo on August 20, 2010. Hobyo has no schools, no clinics and bad drinking water sources. Fighting a losing battle against the sand that has already completely covered the old Italian port, Hobyo's scattering of rundown houses and shacks looks anything but the nerve centre of an activity threatening global shipping. AFP PHOTO / ROBERTO SCHMIDT (Photo credit should read ROBERTO SCHMIDT/AFP/Getty Images)

Gaalkacyo (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray degaanka Galhagoog oo 270-KM dhanka Bari kaga began magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay dagaal qaraaran fiidnimadii caawa.

Dagaalka oo leysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay isku qabsadeen Markab ku soo caariyay xeebta Galhagoog oo u dhaw Budbud.

Maleeshiyaadkan oo aad u badnaa ayaa isku qabtay cida la wareegeysa Markabka oo ahaa mid xamuul siday, waxaana lasoo sheegayaa in dagaalka ka dhashay uu geystay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca dhowr maleeshiyo oo kala taabacsanaa labada dhan.

Markabka ayaa waxaa iminka gacanta ku haya qeyb ka mid ah maleeshiyaadka dagaalamay, waxa uuna dagaalka ka duldhacay Markabka iyo banaanka hore ee Xeebta.

Rasaas goosgoos ah ayaa waxaa laga dul maqlayaa Markabka, waxaana ilaa iyo hadda halkaasi aan gaarin ciidamada amaanka maamulka Galmudug maadaama ay xili mugdiya tahay goobta uu ku caariyay Markabka.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaase lasoo sheegayaa in la maqlaayo rasaas ay wali is weydaarsanayaan labada dhinac oo is horfadhiya.

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

[email protected]