Muqdisho (Caasmada Online) – Musharax Cumar C/rashiid ayaa goordhow shaaciyay inuu ka tanaasulay Musharaxnimadiisa.
Ra’isul wasaare Cumar ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu ka haro wareega Labaad ee Doorashada.
Musharax Cumar C/rashiid waxa uu shaki ka muujiyay sida uu ku qabsoomi doono wareega labaad waxa uuna shaaciyay inuu Tanaasulay.
Ra’isul wasaare Cumar ayaa helay 37 cod waxa uuna sidaa uga haray Doorashada.
Dhinaca kale, waxaa dib u bilaaban doona Wareega Labaad waxaana isugu soo haray Xasan Sheekh, Farmaajo iyo Sheekh Shariif.
Caasmada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]