Dagaal culus oo mar kale ka qarxay magaalada Beledxaawo

0
4882
Somalian soldiers drive on the back of a military vehicle in a street near a hotel in Mogadishu on March 15, 2024. Sporadic explosions and gunfire rang out from a popular hotel in the Somali capital early on March 15, 2024, many hours after Al-Shabaab fighters attacked the site near the presidential palace. The assault late on March 14, 2024 broke a relative lull in violence by the Al-Qaeda-linked jihadist group, demonstrating its continued ability to strike despite a major military offensive against the militants. (Photo by Hassan Ali ELMI / AFP)

Beledxaawo (Caasimada Online) – Dagaal ayaa mar kale ka qarxay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo maalmahan dambe ay isku horfadhiyeen ciidamo ka kala tirsan dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu hadda si gaar ah uga socdo aagga xerada UK, taasoo ah saldhig ay degan yihiin saraakiil uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan oo ka tirsan dowladda federaalka, dhawaana loo magacaabay Taliyaha NISA ee Jubbaland.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in daryanka hubka iyo rasaas culus laga maqlayo gudaha magaalada. Inkasta oo khasaaraha rasmiga ah aan wali la caddeyn, haddana dagaalka maanta dhacay ayaa sababay khasaare, waxaana weli aan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac ee ku lugta leh colaadda.

Dagaalkan ayaa imanaya xilli maamulka Jubbaland uu maalmo ka hor ciidamo hor leh u daabulay Beledxaawo, iyagoo ku tilmaamay tallaabadan mid lagu xoojinayo amniga magaalada, halka sidoo kale ay Dowladda Federaalka ku daabushay ciidamo.

Dhankiisa, Cabdirashiid Janan oo hoggaamiya ciidamada dowladda ee ku sugan xerada UK ayaa horey u caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn in maamulka Jubbaland uu weerar kusoo qaado Beledxaawo.

Laba maalin kahor ayey aheyd markii magaalada Beledxaawo uu ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawacyo, taasoo muujinaysa in xaaladda magaalada aysan wali deganayn, iyadoo laga cabsi qabo inay sii xumaato haddii aan xal deg-deg ah la helin.

Si kastaba, Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisaddaan loo dareemaa mar kasta oo la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.