Qarax is-miidaamin ah oo goordhow ka dhacay Muqdisho

0
10
A view shows smoke rising following a car bomb explosion at Somalia's education ministry in Mogadishu, Somalia October 29, 2022 in this picture obtained from social media. Abdihalim Bashir/via REUTERS THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. MANDATORY CREDIT. NO RESALES. NO ARCHIVES.

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in qarax is-miidaamin ah oo uu ka dhacay xerada militariga Jeneraal Dhegobadan ee magaalada Muqdisho.

Xerada, oo horey loogu yaqaan xero nacnac, ayaa lagu tababaraa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana dhowr jeer oo horey qaraxyo ula beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyey qof naftii hallige ah, mana cadda haddii uu ka dhacay gudaha xerada iyo in lagu dhuftay bannaanka. Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in qaraxa uu ka dhacay banaanka xerada, uuna dhaliyey waxyeello soo gaartay dad shacab ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayey ku sheegatay qaraxan, oo ay ku tilmaameen “howlgal guuleystay” oo ay uu fuliyey dagaal-yahan ka tirsanaa kooxda.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku aaddan qaraxa. 

Faah-faahin naga filo goor dhow, Inshaa’Allah.