DEG DEG: Rasaas culus oo caawa ka socta magaalada Muqdisho

0
6

Muqdisho (Caasimada Online)-Rasaas xoogan ayaa waxaa laga maqlayaa gabi ahaan magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

Rasaasta ayaa xoogeeda laga maqlayaa Madaxtooyada Somalia iyo dhammaan Degmooyinka ku hareereysan.

Rasaasta ayaa u muuqaneysa dabaal deg ay Ciidamada Dowlada u sameynayaan Farmaajo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Rasaasta ay tahay Ciidamo kawada tirsan Dowlada oo isugu dhacay arrimo ku aadan Doorashada.

Lama oga sababta Rasaasta ay u dhaceyso, waxaana la maqlayaa rasaas aad u xoogan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]