Ra’iisul Wasaare Xamza oo eryay wasiiro, kuwa cusubna magacaabay + Magacyada

0
60

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow soo saaray wareegto uu isku shaandheyn iyo xilka qaadis ugu sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Saddex wasiir ayaa la isku beddelay, iyada oo loo kala wareejiyay wasaaradaha ay kala joogeen, halka labo wasiir oo kalena xilka laga qaaday.

Sidoo kale waxaa Golaha lagu soo daray wasiir ku xigeenno cusub oo qaarkood xildhibaanno ah, iyada oo kuwii horay u hayay xilalkaas la eryay.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday, xilli uu maalmahan culays xooggan wajahayay ra’iisul wasaaraha, kadib markii uu soo if-baxay guuxa mooshin xilka looga qaadayo oo ay wadaan qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka, taas oo la rumeysan yahay inay soo dadajisay isbeddelka deg-degga ah ee uu Xamza ku sameeyay golihiisa wasiirada.

Hoos ka akhriso liiska oo dhammeystiran:-

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah:

  1. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ด๐—ฎ
  2. Cabdiqaadir Maxamed Nuur โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐—ธ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ
  3. Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฐ๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ
  4. Maxamed Faarax Nuux โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐——๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ
  5. Maxamed Cabdiqaadir Cali โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—น๐—น๐—ถ๐—ป๐˜†๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—–๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ
  6. Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
  7. Sahuur Xaaji Culusow Xasan โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha
  8. Sulub Axmed Firin โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha
  9. Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
  10. Aamina Xuseen Cali โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada
  11. Xuseen Cali Xaaji โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada
  12. Fartuun Cabdiqaadir Faarax โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
  13. Maxamed Aadan Maxamed (Baydhabo Janaay) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha
  14. Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta
  15. Dahabo Suusow Muunye โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
  16. Cismaan Axmed Macow โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka