Dowladda oo ciidamadii ugu badnaa gaysay xaafad ka mid ah Muqdisho + Sababta

0
5760
Somalian soldiers drive on the back of a military vehicle in a street near a hotel in Mogadishu on March 15, 2024. Sporadic explosions and gunfire rang out from a popular hotel in the Somali capital early on March 15, 2024, many hours after Al-Shabaab fighters attacked the site near the presidential palace. The assault late on March 14, 2024 broke a relative lull in violence by the Al-Qaeda-linked jihadist group, demonstrating its continued ability to strike despite a major military offensive against the militants. (Photo by Hassan Ali ELMI / AFP)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ciidamo badan gaysay xaafadda Dab Damiska ee degmada Wadajir, kadib markii halkaasi ay dib uga soo cusboonaatay xiisaddii dhulka ee muddada dheer soo taagneyd.

Ciidamada ayaa ku baxay shacab careysan oo shalay gudaha u galay xaafaddaasi, kana soo horjeedo in ganacsato ay dhistaan dhulka iyaga laga barakiciyay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ay isku fidiyeen dhammaan waddooyinka soo gala xaafaddaas, iyaga oo diiday in gudaha loo galo, waxaase jiray shacab shalay xilli hore galay xaafadda, kuwaas oo xalay ku hoyday dhulka Dab Damiska ee Muqdisho.

Qaar kamid ah shacabka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka war heleen in dhulkoodii lagu wareejiyay ganacsato, taasina ay kasoo horjeedaan, waxayna ku doodeen haddii aan loogu adeegeen qaranka, inay iyaga xaq u leeyihiin.

Sidoo kale, waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada qaaday howlgalka ay xireen qaar kamid ah odayaashii iyo dhalinyaradii ku jarmaaday xaafadda Dab-dambiska, sida ay sheegtay hooyo kamid ah dadka deegaanka.

“Alxm meeshaan Alle waaa nagu waabariisiiyay rag ayaa nalaga xiray, annaga oo dumar ahna waa nala nabadgalshay” ayay tiri hooyo la hadashay warbaahinta.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda, isla markaana ay u dhimanayaan dhulkooda, intii lasiin lahaa dad ganacsato ah.

“Waxaan ku sheegaa meesha aan hal sanno iyo shan bilood usoo dhimaneynay in nin ganacsato ah uu dhisto diyaar uma nihin, waana u dhimaneynaa” ayay mar kale tiri.

Xaafadda Dab-damiska ayaa waxaa in muddo ah ka taagnaa xiisad xoogan, kadib markii ay dowladda Soomaaliya, si qasab ah dhulkaas uga saartay shacabkiisa deganaa.