DF oo shaacisay in Shabaab-kii ugu badnaa lagu dilay duqeyn culus oo ka dhacday…

0
5
Hard-line Islamist Al Shabab fighters conduct military exercise in northern Mogadishu's Suqaholaha neighborhood, Somalia, Sunday Sept. 5, 2010. The group's senior officials said the young fighters have recently completed training to join what they said to be a global war against the enemy of Allah. (AP Photo/ Farah Abdi Warsameh)

Xarardheere (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 50 dagal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay duqayn ka dhacday gobolka Mudug.

Duqeyntan oo si gaar ah uga dhacday deegaan u dhow magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa lagu dilay Shabaab-kii ugu badnaa, sida ay sheegtay dowladda.

Warbaahinta dawladda federaalka ayaa sidoo kale waxay sheegtay in hawl-galkaan ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ka taageera dagaalka Al-Shabaab.

Howl-galkan ay sheegtay dowladda inay ku dishay Shabaabka badan ayaa imanaya ku dhowaad laba toddobad kadib markii dowladda ay sheegatay inay dishay in ka badan 80 ka tirsan dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

Xubnahaas ayaa markaas la sheegay in lagu dilay hawl-gallo ka kala dhacay gobollada Mudug, Shabeellada Dhexe iyo Bakool.

Si kastaba, Xarardheere ayaa toddobaadyadii tegay wajaheysay culeys xooggan, oo uga imaanayay kooxda Al-Shabaab, xilli bilihii lasoo dhaafay uu hoos u dhacay gulufka kooxda ka dhanka ahaa.

Shabaab ayaa dadaal badan ku bixineysay sidii ay dib ugu qabsan laheyd degmada oo kal hore laga xoreeyay, kaasi oo u muuqda isku-day fashilmay, maadaama uu dhawaan halkaasi tegay madaxweyne Xasan Sheekh, dibna looga bilaabay dar-darta gulufka uu gaabiska ku yimid bilihii dambe.