Faallo uu qoray wargeyska Star Tribune oo ka soo baxa gobolka Minneosta, dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in Soomaalida gobolkaasi ay yihiin “Xoog Siyaasadeed.”
Wargeyska ayaa xusay sida Soomaalid ay u habaysan yihiin, marka loo eego xiligii gaabnaa ee dalka joogeen.
Waxa uu kale oo uu xusay in tiro ka mid ahi ay xilal siyaasadeed oo kala duwan isku soo taageen.