Dhinacyada isku haya dalka Suudaan oo heshiis gaaray

0
8
Smoke is seen rising from a neighborhood in Khartoum, Sudan, Saturday, April 15, 2023. Fierce clashes between Sudan’s military and the country’s powerful paramilitary erupted in the capital and elsewhere in the African nation after weeks of escalating tensions between the two forces. The fighting raised fears of a wider conflict in the chaos-stricken nation. (AP Photo/Marwan Ali)

Khartoum (Caasimada Online) – Cidamada Suudaan iyo kuwa RSF ayaa ku heshiiyay xabbad joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo Suudaan, iyadoo dagaalka u dhexeeya labadan kooxood uu galay todobaadkii lixaad.

Isku daygii hore ee xabbad joojinta ee dhex maray ciidamada caadiga ah ee Suudaan iyo xoogaga Taakulaynta degdega ah (RSF) ayaa horay u guuldareystay.

Laakiin heshiiska cusub waxaa lagu dhaqan gelin doonaa “habka la socodka xabbad joojinta,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Mareykanka iyo Sacuudiga.

Mas’uuliyiinta Suudaan waxay isku raaceen in dib loo soo celiyo adeegyadii muhiimka ahaa Mudadad 7 maalmood ah ee ay xabad joojinta socota.

Horay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD, ayaa ugu booriyay dhinacyada isku haya Suudaan inay ka feejignaadaan weerarrada aan loo meel dayin ee lagu qaadayo goobaha ay dadku ku badan yihiin, ayna u hoggaan samaan shuruucda caalamiga ah.

Dagaalka ayaa bilowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan halw-maalmeedkooda.

Dhanka kale, beesha caalamka ayaa muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah