Dowladda Mareykanka oo eedeyn culus u jeediysay FARMAAJO iyo MURSAL

0
8
The U.S. and UK Missions co-hosted Geneva Group Consultative Level Meetings today at the U.S. Mission. Participants discussed the UN reform agenda, leading organizations through change, and promoting accountability in the UN system. Principal Deputy Assistant Secretary of State for International Organization Affairs Jonathan Moore led the U.S. delegation. The UK delegation was led by James Kariuki, Multilateral Policy Director for the UK Foreign and Commonwealth Office. Representatives from all 18 Geneva Group members were in attendance. U.S. Ambassador for UN Management and Reform Cherith Norman Chalet and Minister Counsellor at the UK Mission to the UN Rosie Grieves represented the New York Group. High-level officials from several UN organizations presented to the group.

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay madaxweynaha iyo guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya inay kasii dareen xisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Sii-hayaha safiirka Mareykanka ee QM Cherith Norman Chalet ayaa nasiib-darro ku tilmaamtay xil ka qaadista ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha golaha shacabka ay ku sameeyeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

“Caqabadaha ay wajaheyso Soomaaliya waxay u baahan yihiin dadaallo mideysan oo xooggan oo ay sameeyaan hoggaamiyayaasheeda. Nasiib-darro kalsooni kala noqoshada ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha golaha shacabka ay ku sameeyeen ra’iisul wasaare Kheyre iyo xukuumaddiisa bishii July ayaa kasii daray xiisaddii siyaasadeed,” ayey tiri Cherith Norman Chalet.

“Waxaan ka walaacsannahay in ficilladan oo kale ay waxyeeleeyeen wada-hadalladii u dhaxeeyey dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo saamileyda kale ee muhiimka ah.”

Sii-hayaha safiirka Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada inay helaan hab horey loogu socdo oo lagu gaari karo doorashooyinka.

“Doorashooyinka Soomaaliya waxay u baahan yihiin inay noqdaan kuwa la isku haleyn karo, waqtigooda ku dhaca, nabdoon, la fulin karo, kuna dhisan hanaan heshiis lagu wada yahay.”

Danjire Cherith Norman Chalet ayaa ugu dambeyn sheegtay inay soo dhoweeneyso wada-hadallada Dhuusamareeb, waxayna ku baaqday in dhinacyada ay ku gaaraan hanaan doorasho oo la fulin karo ugu dambeyn horraanta 2021.