Ethiopian Airlines oo gargaar caafimaad keentay Muqdisho

0
7
An Ethiopian Airlines' Boeing 787 Dreamliner prepares to take off from Addis Ababa airport in Ethiopia, Saturday, April 27, 2013. A Boeing 787 operated by Ethiopian Airlines flew from Ethiopia to Kenya's capital Nairobi on Saturday, the first commercial flight since air safety authorities grounded the Dreamliners after incidents with smoldering batteries on two different planes in January. (AP Photo/Elias Asmare)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow garoonka Aadan Cadde soo caga-dhigatay diyaaradda Itoobiyaan Airline, taas oo sidda gaar caafimaad oo deg deg ah.

Diyaaradda oo haatan taagan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa sidda agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo uu Soomaaliya ugu deeqay maal-qabeen u dhashay wadanka Shiinaha.

Sidoo kale waxaa garoonka ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka oo la wareegi doono qalabkaasi caafimaad.

Shalay ayey aheyd markii Imaaraadka Carabta uu qalab caafimaad ku wareejiyey dowladda federaalka oo dagaal kula jirta cudurka COVID-19.

Soomaaliya ayaa xaqiijisay kiisas gaaraya illaa 60 qof, kuwaas oo haatan ku jira xaalada karantiil ah