Hoobiye ku dhacay guri ku yaalla Bariire + Khasaaraha

0
13
U.S. Army Spc. Alan George, 1st Battalion, 124th Infantry Regiment, Bravo Company watches the surrounding area before mortar training Aug. 8, 2016, at Arta, Djibouti. The Soldiers fired rounds from M224 and M252 cannons to practice hitting target areas. The 1-124, a component of Combined Joint Task Force-Horn of Africa, is deployed from Cocoa, Fla., to perform security operations in the region. (U.S. Air Force Air Force photo by Staff Sgt. Eric Summers Jr./Released)

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada ATMIS ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Bariire ee gobolkaasi, kuwaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo ku dhaqan gudaha deegaankaasi.

Mid kamid ah madaafiicda ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhacay guri ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaawac.

Sida uu sheegay mid kamid ah ehellada dadka waxyeelada soo gaartay waxaa guriga uu ku dhacay hoobiya ku dhaawacmay hooyo, aabe iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen.

Shanta qof ee isku qoyska ah ayaa haatan lasoo gaarsiiyay gudaha magaalada Muqdisho, si looga dabiibo xaaladdooda caafimaad.

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray guriga ay daganaayeen qoyska oo ahaa danyar, taas oo uga sii dareyso dhibaatada soo gaartay dadkaasi.

ATMIS ayaa lagu eedeeyay inay marqibadii  uurto madaafiic, taas oo ay walaac ka muujinayaan dadka deegaanka oo haatan uu khasaare soo gaaray.

“Dhinaca AMISOM ayay ka yimideen madaafiicda, waxbay iska tuur tuuraan Maqribadii,” ayuu yiri mid kamid ah ehellada oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada ATMIS oo ku aadan dhacdadaas lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen iyagu.

Ma’aha markii ugu horreyay oo ay ATMIS waxyeelo u geysato dad shacab ah, waxaana marar badan lasoo wariyay dhibaatooyin ay ciidamadooda ka geysteen Soomaaliya.

Si kastaba, dhacdadan ayaa kusoo aadeyso, xilli dhowaan magaalada Buulo Mareer lagu laayay ciidanka Uganda, kadib weerar culus oo ay ku qaadeen xoogaga Al-Shabaab.