Ganacsatada khaadka ee Kenya oo ku hanjabay arrin aan laga fileynin kaddib go’aankii DF Soomaaliya

0
7
Photo made July 16, 2013 shows Kenyan khat traders sorting their produce from their farms and awaiting consumers in a market in Nairobi. Khat -- called miraa in Kenya, a multi-million dollar (pound / euro) export business -- is the leaves and shoots of the shrub Catha edulis, which are chewed to obtain a mild stimulant effect. AFP PHOTO/SIMON MAINA (Photo credit should read SIMON MAINA/AFP/Getty Images)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsatada Khaadka dalka Kenya ayaa ku hanjabay inay joojin doonaan Khaadka ay keenaan Soomaaliya haddii aan xal laga gaarin murun xuduud badeedka u dhaxeeya labada dowladood.

Afhayeen u hadlay ganacsatada Khaadka u iib keenta Soomaaliya oo lagu magacaabo Kimathi Munjuri ayaa sheegay in madax banaanida Kenya aysan marnaba siisaneyn suuqa Khaadka ee Soomaaliya.

Afhayeanka wuxuu sheegay in mar walbaa oo labada dowladood is qabtaan in Soomaaliya ay Kenya ku handado inay Khaadka joojineyso, balse taasi aysan waxba u dhimi doonin ganacsigooda.

“Kuma iibsan karno Qaad madaxbanaanida dalkeenna, Soomaaliya mar waliba waxaa ay ku goodisaa Qaadka Soomaaliya si ay u soo jeediso dareenka Dowladda Kenya’ ayuu yiri mr Kimathi Munjuri .

Soomaaliya waa Suuqa Qaadka kaliya ee ay hadda heysato Kenya,waxaana ay ka tahay 90%, maaddaama dalalka UK, Australia iyo kuwo kale ay Qaadka Kenya mamnuuceen kaddib markii ay ku sheegeen in uu daroogo yahay.

Waxaa la sheegayaa in dhaqaalo badan oo gaaraya 400 oo Kun doolar ay maalin walbaa ka helaan Kenya Khaadka ay u iib keenaan Soomaaliya, taasi oo dhaqaalaha Soomaaliya hoos u dhigtay.

Xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa cirka isku shareertay kaddib markii ay kenya la baxday danjiraheedii Soomaaliya kii Soomaaliyana soo ceyrisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]