Go’aan laga gaaray kiiska nin Soomaali ah oo hareeyey baarlamanka Midowga Yurub

0
8
Mohamad Hanad Abdi from Somalia arrives at a court in Mytilene, on the northeastern Aegean island of Lesbos, Greece, Monday, Jan. 9, 2023. The Somali migrant serving life in prison for people smuggling appeared in court Monday to appeal his sentence, in a case backed by a group of European Parliament members who say he was wrongfully convicted. Mohamad Hanad Abdi was sentenced to 142 years in prison in 2021, convicted following a deadly crossing in a dinghy from Turkey to the nearby Greek island of Lesbos the previous year. (AP Photo/Panagiotis Balaskas)

Lesbos (Caasimada Online) – Maxkamad racfaan oo ku taalla dalka Greece ayaa amartay in lasii daayo muhaajir Soomaali ah oo xabsi daa’in loogu xukumay inuu dad soo tahriibiyey.

Kiiskan ayaa dareenka caalamka kusoo jeediyey sharciyada ciqaabta adag ee ilaalinta xuduudaha ee dalkan ka tirsan Midowga Yurub.

Mohamed Hanad Abdi, ayaa sanadii 2021 lagu xukumay 142 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi ah inuu doon ay dad ku dhinteen kasoo kaxeeyey Turkey oo uu keenay jasiiradad Lesbos ee Greece 2020-kii.

Si kastaba, maxkamad racfaan oo ku taalla jasiiradda Lesbos ayaa Isniintii waxay xabsigiisa ka dhigtay sideed sano, waxaana garsooraha maxkamadda uu amray in lasii daayo ayada oo loo xisaabinayo muddadii uu horey xabsiga ugu soo qaatay iyo hab dhaqankiisa wanaagsanaa.

Maxkamadda ayaa waxaa ka qeyb-galay dhowr xubnood oo ka tirsan baarlamanka Midowga Yurub, oo ku dooday in Mohamed, oo ah 29 jir aabe u ah afar caruur, si khaldan xukun loogu riday.

“Waxaan dhammaanteyn la ilmeyneynaa farxad, waxay aheyd maalin aad u adag. Dacwad-oogaha qaranka wuxuu qaatay mowqif adag, wuxuuna doonayey in xukunka la joogteeyo,” waxaa sidaas yiri Stelios Kouloglou oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Midowga Yurub, oo hogaaminayey ololaha, lana hadlay AP.

“Waa go’aan aad muhiim u ah, sababtoo ah dad badan oo ah muhaajiriin caadi ah ayaa loola dhaqmaa inay yihiin tahriibiyeyaal,” ayuu yiri.

“Mohamed wuu kasoo bixi doonaa xabsiga dhowr maalmood kadib marka warqadihiisa la diyaariyo, tallaabada noo xigta waa inaan u ololeynaa in sharciga la beddelo.”

Mohamed ayaa maxkamadda u sheegay inuu doonta soo kaxeeyey kaliya markii uu ka tegay naaquudiye Turkish ah oo dadka tahriibiya, islamarkaana uu isaga kala wareegay si uu u badbaadiyo dadkii saarnaa.

Doonta ayaa waxaa ku qarqamay laba qof, halka 33 laga soo badbaadiyey. Qaar badan oo ka mid ah dadkii soo badbaaday ayaa taageeray sheegashada Mohamed si ay sheegeen qaraeenadiisa.

AP, VOA