Go’aanka Kenya oo wax ka beddelay joogitaanka ciidankooda ee Soomaaliya

0
9
Kenya Defense Forces (KDF) arrive on September 22, 2013 at the Westgate mall in Nairobi. Kenyan troops were locked in a fierce firefight with Somali militants inside an upmarket Nairobi shopping mall on September 22 in a final push to end a siege that has left 43 dead and 200 wounded with an unknown number of hostages still being held. Somalia's Al Qaeda-inspired Shebab rebels said the carnage at the part Israeli-owned complex mall was in retaliation for Kenya's military intervention in Somalia, where African Union troops are battling the Islamists. AFP PHOTO / SIMON MAINA (Photo credit should read SIMON MAINA/AFP/Getty Images)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeygii hore ee gaarka ahaa ee Soomaaliya ee QM, Abuukar Armaan ayaa ka hadlay waxa xiisadda cusub ee Soomaaliya iyo Kenya ay uga dhigan tahay joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa sabtidii xiriirka u jartay Soomaaliya, ayada oo u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya, islamarkaana soo cayrisay safiirkii Soomaaliya ee Kenya, xilli xiisad diblomaasiyeed ay ka dhex dillaacday labada dal.

Abuukar Armaan oo qoraal kooban soo dhigay twitter, ayaa sheegay in tallaabada Kenya ay ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ka dhigeyso kuwa duulaan ku ah Soomaaliya.

“U yeerashada Kenya ee safiirkeeda, iyo weydiisashada safiirka Soomaaliya inuu ka baxo dalkaas, waxay joogitaanka ciidamada KDF ee Soomaaliya ka dhigeysaa kuwa weerar ah. Waxaa jira marar ay diblomaasiyaddu tahay inay noqoto mid toos ah oo cad” ayuu ku yiri Armaan qoraalka uu soo dhigay bartiisa twitter.

Kenya ayaa go’aankii ay shalay qaadatay sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay  Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]