Golaha Amaanka QM oo qaaday tallaabo ka dhan ah dagaalka ka socda SUDAN

0
3
Smoke is seen rising from a neighborhood in Khartoum, Sudan, Saturday, April 15, 2023. Fierce clashes between Sudan’s military and the country’s powerful paramilitary erupted in the capital and elsewhere in the African nation after weeks of escalating tensions between the two forces. The fighting raised fears of a wider conflict in the chaos-stricken nation. (AP Photo/Marwan Ali)

New York (Caasimada Online) – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ansixiyay qaraar ku baaqaya xabad-joojin ka dhaqan-gasha Sudan inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Ansixinta qaraarkan ayaa yimid, kaddib markii uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ka digay in masiibada bani’aadannimo ee ka jirta Sudan ay gaartay heer aad u baaxad weyn.

Ku xigeenka danjiraha Biritain ee Qaramada Midoobay James Kariuki oo uu xafiiskiisu soo diyaariyay qaraarkaan ayaa sheegay, in Golaha Ammaanku uu qaraarkani farriin cad oo adag ugu diray millatariga Sudan iyo xoogagga RSF, kuwaas oo laga dalbay in ay si deg deg ah xabbada u joojiyaan inta lagu jiro bisha Ramadan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kala bar shacabka Sudan oo ah 25 milyan ay u baahanyihiin gargaar bani aadannimo. 10 milyan oo ka mid ah ayaanan heysan cunto.

Sudan ayaa hadda ah dalka ugu barakaca badan dunida. 6.3 milyan oo ruux ayaa lagu qasbay in ay barakacaan. 1.7 milyan ayaa u qaraxay dalalka deriska halka 70 boqolkiiba goobaha caafimaadka ee ku yaalla aagaga dagaalka ay shaqadii joogsatay.