Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo warqad furan u diray waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa u jeediyay dalab xasaasi ah oo ku aadan marxaladda kala guurka ah ee dalka, waxayna sheegeen in dowladdu lumisay sharciyadii heshiiska lagu ahaa.
Ugu horreyn Golaha ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay dhismaha Gole KMG ah, si loo badbaadiyo sharciyadda iyo kalsoonida. Sidoo kale waxa ay ka codsadeen dalalka Afrikaanka ee ciidamada ku taageeray howlgalka AUSSOM in ay sii wadaan taageeradooda inta laga helayo xal siyaasadeed oo laga gaaro khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka.
Golaha ayaa sheegay in ciidamadaas ay kaalin weyn ka qaateen amniga dalka iyo la dagaallanka argagixisada, isla markaana ay muujiyeen muhiimadda iskaashiga Afrika, waxayna sidoo kale uga mahadceliyeen dadaalkooda naf-hurnimada ah oo muddo ku dhow 20 sano ay ku bixiyeen dalka Soomaaliya.
“Heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay uu noqdo saldhigga iyo shuruudda ugu weyn ee lagu sii wadi karo taageerada amniga Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warqadda furan ee loo diray waddamada ciidamada usoo diray Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu goluhu xusay in Soomaaliya aysan si guul leh ula dagaalami karin kooxaha hubeysan, iyadoo dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu ay is khilaafsan yihiin, maadaama weli uu maran ka taagan yahay hannaanka doorashada iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurkii KMG ahaa.
Warqaddu waxay intaas ku dartay in caqabadaha haysta maalgelinta AUSSOM iyo UNSOS ay ka dhasheen qalalaasaha siyaasadeed ee gudaha, isla markaana khatarta ugu weyn aysan ahayn dhaqaale la’aan, balse ay tahay dowlad aan haysan kalsoonida shacabka iyo sidoo kale saaxiibbada caalamka.
Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, laguna saleeyo wada-hadal iyo is-afgarad, si dib loogu soo celiyo sharciyadda hay’adaha dowladda, loo ilaaliyo dhex-dhexaadnimada ciidamada qaranka, loona abuuro hannaan doorasho iyo marxa;ad kala-guur oo nabdoon.
Waxay madaxda dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ka codsadeen inay taageeraan dadaal kasta oo horseedaya heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyagoo sheegay in heshiiskaas uu yahay shuruudda ugu muhiimsan ee guusha howlgal kasta oo amni iyo xasilin ee ka socda gudaha Soomaaliya.

