Gudoomiyahii Soomaaliga ahaa ee maxkamadda caalamiga ICJ oo la badalay

0
10
The International Court of Justice (ICJ), principal judicial organ of the UN, holds public hearings from 10 to 12 December 2019 in the case concerning Application of the Convention on the Prevention and Punishment of the Crime of Genocide (The Gambia v. Myanmar) at the Peace Palace in The Hague, the seat of the Court. The hearings focus solely on the request for the indication of provisional measures requested by The Gambia. Session held under the presidency of Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf, President of the Court. The Court’s role is to settle, in accordance with international law, legal disputes submitted to it by States (its Judgments are final and binding) and to give advisory opinions on legal questions referred to it by authorized UN organs and agencies. Its official languages are English and French. For more information: www.icj-cij.org

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyahii Soomaaliga ahaa ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) Cabdulqawi Axmed Yuusuf ayaa baneeyay xilka kadib markii uu dhamaaday muddo xileedkiisa.

Madaxweynaha cusub ayaa ah gabadha xaakimka ah ee u dhalatay dalkan Maraykanka ee lagu magacaabo Joan E. Donoghue. Xaakimka u dhalatay dalka Ruushka ee lagu magacaabo Kirill Gevorgian ayaa sidoo kale loo doortay madaxweyne ku xigeenka maxkamadda.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka ayaa qaadda dacwadaha iyo muranada heerka caalamiga ah ee u dhexeeya dawladaha, waxaana maxkamaddan ay hoostagtaa Qaramada Midoobay iyadoo la aasaasay sannadkii 1945-tii.

Maxkamaddan ayaa bisha dambe dhagaysan doonta kiiska badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Dacwdadan ayaa dhagaysigeedu soconayaa inta u daxaysa 15-19 bisha Maarso ee soo socota.

Garsoorayaasha dawcaddan dhagaysan doona ayaa tiradoodu dhan tahay 15, waxayna kala yihiin: Joan E. Donoghue (Maraykan) Kirill Gevorgian (Ruush) Peter Tomka (Slovakia) Ronny Abraham (Faransiis) Mohamed Bennouna (Morooko) Antônio Augusto Cançado Trindade (Barazil)Cabdulqawi Axmed Yuusuf (Soomaaliya) Xue Hanqin (Shiinaha) Julia Sebutinde (Uganda) Dalveer Bhandari (Hindiya) Patrick Lipton Robinson (Jamayka) James Richard Crawford (Australia) Nawaf Salam (Lubnaan) Iwasawa Yuji (Japan) Georg Nolte (Jarmalka).