Hoggaamiyihii cusbaa ee dalka Sudan oo is-casilay

0
4
Sudanese Defence Minister Ahmed Awad Ibn Auf meets his Egyptian counterpart in Khartoum on November 25, 2018. - Sudan's President Omar al-Bashir in October 2018 lifted a 17-month long ban on agricultural imports from Egypt, during an official visit by Egyptian President Abdel Fattah al-Sisi to Khartoum. (Photo by ASHRAF SHAZLY / AFP) (Photo credit should read ASHRAF SHAZLY/AFP/Getty Images)

Khartoum (Caasimada Online) – Madaxa Golaha Militariga la wareegay talada dalka Sudan ayaa xilka ka degay maalin kadib markii afgambi xukunka looga tuuray hoggaamiyihii muddada fog ka talinayey dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, xilli ay socdaan dibad-baxyo culus.

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Cawaf Bin Cawf, ayaa go’aankan uga dhowaaqay taleefishinka qaranka. Waxa uu shaaciyey inuu beddelay taliye Cabdi Fataax Cabdiraxmaan Burhaan.

Go’aankiisa ayaa yimid kadib markii dibad-baxayaasha ay diideen inay waddooyinka ka tagaan, ayaga oo sheegay in hogaamiyayaasha afgambiga ay aad ugu dhow yihiin madaxweyne Al-Bashiir.

Ciidamada ayaa sheegay inay si ku meel gaar ah u hoggaamin doonaan dalka ka hor inta aan la qaban doorashooyin.

Axmed Cawad Bin Cawf ayaa ahaa madaxa sirdoonka militariga intii uu socday dagaalkii Darfur, sanadihii 2000. Al-Bashiir ayaa waxaa maxkamadda caalamiga ee dambiyada dagaalka ay kusoo oogtay dacwado la xiriir dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada.

Xil ka tuurista Al-Bashiir ayaa waxaa sababay dibad-baxyo dalkaas ka socday tan iyo bishii December ee 2018. Dibad-baxyada ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 38 qof.

Caasimada Online
Xafiiska Khartoum
[email protected]