ICJ oo bilaabeysa dhageysiga dacwad ka dhan ah ISRAEL

0
8
The International Court of Justice (ICJ), principal judicial organ of the UN, delivers, on 23 January 2020, its Order on the request for the indication of provisional measures presented by The Gambia in the case concerning Application of the Convention on the Prevention and Punishment of the Crime of Genocide (The Gambia v. Myanmar) at the Peace Palace in The Hague, the seat of the Court. Session held under the presidency of Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf, President of the Court. The CourtÕs role is to settle, in accordance with international law, legal disputes submitted to it by States (its Judgments are final and binding) and to give advisory opinions on legal questions referred to it by authorized UN organs and agencies.

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee loo soo gaabiyo ICJ ay billowdo, dhageysiga dacwad ka dhan ah Isra’il kaas oo ay maxkamadda geysay dowladda South Africa.

Koofur Africa ayaa ku eedeysay Isra’il, in ay Gaza ka geysatay danbiyo dagaal oo ka dhan ah Falastiiniyiinta ku nool Gaza isla markaana ay jebisay heshiiskii caalamiga ahaa ee xasuuqa ee sannadki 1948-dii.

South Africa ayaa sidoo kale ugu baaqday garsoorayaasha in ay Israa’iil ku amraan, in ay si deg deg ah u joojiso howlgallada millatari ee Gaza. Dhammaan eedaha ay South Africa soo jeedisay ayaa waxaa beenisay Isra’iil, iyada oo sheegtay in ay koox qareenno ah oo iyada matalaya ay u dirtay, xarunta Maxkamadda ICJ ee magaalada Hague ee dalka Holland.

Afhayeenka Dowladda Israaiil Eylon Levy ayaa Arbacadi sheegay, in Israa’iil ay maanta kasoo hor muuqa doonto Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, si ay isaga difaacdo buu yiri aflagaaddo dhiig leh oo uga timid South Africa.

Dacwaddaan oo la filayo in qaadato muddo sannado ah, ayaa qeybteeda hore socon doonta maanta iyo berri, waxaana lagu furi doonaa dhageysiga eedaha ay soo jeedisay South Africa.

Brazil iyo Colombiya ayaa goor danbe oo Arbacadi shalay ah taageeray kiiska dacwadda ka dhanka ah Israa’iil.