ILHAAN CUMAR oo markii saddexaad dib loo doortay

0
8
FILE - In this Jan. 31, 2020, file photo, Rep. Ilhan Omar, D-Minn., participates in a panel during a campaign event for Democratic presidential candidate Sen. Bernie Sanders in Clive, Iowa. Omar on Monday, June 15, announced the death of her father due to complications from COVID-19. In a statement, Omar said Nur Omar Mohamed died Monday. She gave no additional information. (AP Photo/Marcio Jose Sanchez, File)

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo gabar Soomaali ah, kana tirsan Congress-ka waddanka Mareykanka ayaa markii saddexaad guul taariikhi ah ka soo hoyday doorashada xilliga dhexe ee dalkaas, taas oo labadii sanaba mar la qabto.

Ilhaan ayaa ku guleysatay doorashada kuriga degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka, kadib markii ay ka adkaatay Cicely Davis oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Dadka codeynayey ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa Soomaali badan oo ku sugan gobollo dhowr ah oo ka tirsan wadanka Mareykanka.

Sanadkii 2018 ayey Ilhaan Cumar noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali-American ah oo loo doorto Congress-ka Mareykanka ayaa difaacatay kursigeeda.

Hadal kooban oo ay u jeedisay ayey ku sheegtay in guusheedu ay tahay mid Soomaalida oo dhan u soo hoyatay, isla markaana ay ku faraxsan tahay in dib loo soo doortay.

Dhinaca kale waxaa guusha Ilhaan Cumar si aad u soo dhoweeyey taageerayaasheeda oo u dabaal degay in markale loo doorto Congress-ka Mareykanka.

Si kastaba Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa sanadihii u dambeeyey si weyn uga soo dhex muuqata dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo doorashada Mareykanka.