Muqdisho (Caasimada Online) โ Isbeddelada lagu sameynayo qaadashada baasaboorka Soomaaliya ayaa lagu sameynaya isbeddelkii ugu weynaa, kadib toddobaadyo isbeddelo dhowr ah lagu sameeyay hanaanka qaadashada baasaboorka.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta ku dhawaaqday in kaarka aqoonsiga qaranka lagu codsan doono baasaboorka Soomaaliga ah. Tan ayaa ka dhigan in qofka aan haysan kaarka aqoonsiga uusan qaadan karin baasaboorka.
Isbeddelkan weyn ee ku yimid hanaanka qaadashada baasaboorka ayaa waxa uu si rasmi ah u dhaqan-galayaa 1-da September 2025, sida lagu iclaamiyay shir heer sare ah oo maanta ka dhacay xarunta dhexe ee hay’adda socdaalka.
Sidoo kale, dhammaan dadka ku safraya dalka gudihiisa waxa looga baahan yahay in ay safarkooda u haystaan kaarka aqoonsiga qaranka, laga bilaabo 1-da January 2026.
Shirkan oo diirada lagu saarayay sare u qaadista sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed ayaa waxa shir-guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Fartaag, waxana qeyb ka ahaa Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Balcad, Agaasimaha Guud ee hay’adda socdaalka, MustafeDhuxulow, Maareeyaha Guud ee NIRA, Cabdiwali Cali Cabdulle Timacadde, La-taliyayaal iyo masโuuliyiin kale oo ka kala socday labada hayโadood.
Ujeedooyinka ugu waaweyn ee kulanka waxa ka mid ahaa:
- Hirgelinta isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee qaadashada baasaboorka
- Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee Baasaboorka Soomaaliga
- Sugidda iyo tayeynta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed
- Xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga HSJ iyo NIRA
- Dhisidda hannaan joogto ah oo ay si wadajir ah u fuliyaan labada hayโadood
Go’aannada lagu gaaray shirka
- ๐๐๐ ๐ ๐๐ข๐ฅ๐๐๐๐จ ๐-๐๐ ๐๐๐ฉ๐ญ๐๐ฆ๐๐๐ซ ๐๐๐๐, Baasaboorka Soomaaliyeed waxaa lagu codsan doonaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadinka.
- ๐๐๐ ๐ ๐๐ข๐ฅ๐๐๐๐จ ๐-๐๐ ๐๐๐ง๐ฎ๐๐ซ๐ฒ ๐๐๐๐, dhammaan dadka ku safraya dalka gudihiisa waxa looga baahanyahay in ay safarkooda u haystaan kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo xogtooda shaqsiga ah.
- ๐๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐ค๐ ๐ก๐จ๐ซ๐๐๐ฒ๐ ๐ญ๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐๐๐๐ฌ, labada hayโadood waxay si buuxda uga wada shaqeyn doonaan isku dubaridka nidaamyada, tababarka saraakiisha, iyo wacyigelinta bulshada.
Tani waxay ka mid tahay tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu xoojinayo hannaanka maamulka socdaalka iyo aqoonsiga muwaadiniinta, iyadoo lagu saleynayo istiraatiijiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hayโad casri ah iyo adeegyo la jaanqaadaya baahida shacabka.
Si kastaba, labada hayโadood ayaa ku hawlan dhameystirka hannaan wada-shaqeyn buuxda, si codsiga baasaboorku u noqdo mid la isku halleyn karo, daahfuran, oo si degdeg ah u shaqeeya.











