Iska hor imaad hubeysan oo ka dhacay Beledweyne

0
1335
This aerial view shows floodwater in Beledweyne, central Somalia, on May 13, 2023. Around 200,000 people have been displaced due to flash flooding in central Somalia, a regional official told AFP, as the Shabelle River burst its banks and submerged roads. Inhabitants of Beledweyne town in Hiran region were forced out of their homes as heavy rainfall caused water levels to rise sharply. (Photo by Hassan Ali ELMI / AFP)

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa isku dhacyo hubeysan oo maanta barqadii ka dhacay xaafadda Buundoweyn ee magaalada Baledweyne.

Dagaalka ayaa dhex maray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyo koox maleeshiyaad ah oo taageero ka helayay qaar ka mid ah askarta militeriga gobolka Hiiraan.

Labada dhinac ayaa rasaas xooggan is weydaarsaday intii uu socday iska hor imaadkaasi, waxaana la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan Booliiska magaalada iyo qof rayid ah.

Sarkaalka dhaawacmay ayaa la sheegay inuu ahaa macallin tababare ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo Dhaqane Cabdullaahi Wehliye, waxaana loo yaqaannaa Xiirane.

Isku dhaca ayaa ka dhashay kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay ka hor istaageen koox injineerro ah oo ku hawlanaa cabbirka wado laami ah oo la qorsheynayo in dhawaan laga hirgeliyo xaafadda Buundoweyn.

Ilaa hadda ma jirto wax faah-faahin ah oo ka soo baxay laamaha amniga magaalada Baledweyne ku saabsan dhacdadan maanta ka dhacday halkaasi.