Isku day afgambi oo ka socda Ruushka kadib markii ay gadoodeen kooxda Wagner

0
5
FILE - In this handout photo taken from video released by Prigozhin Press Service on Friday, March 3, 2023, Yevgeny Prigozhin, the owner of the Wagner Group military company, addresses Ukrainian President Volodymyr Zelenskyy asking him to withdraw the remaining Ukrainian forces from Bakhmut to save their lives, at an unspecified location in Ukraine. Prigozhin's criticism of the top military brass is in stark contrast with more than two decades of rigidly controlled rule by President Vladimir Putin without any sign of infighting among his top lieutenants. (Prigozhin Press Service via AP, File)

Moscow (Caasimada Online) – Isku day afgambi ayaa ka socday dalka Ruushka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Moscow kadib markii uu gadooday madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner Group.

Yevgeny Prigozhin, oo ah aas-aasaha Wagner, ayaa ku eedeeyey Moscow inay weerar gantaal oo dhimasho badan la beegsatay ciidamadiisa, wuxuuna wacad ku maray aar-gudasho.

Prigozhin oo ciidankiida ay kaalin muuqata ka cayaareen dagaalka bariga Ukraine ayaa ku dhowaaqay inuu billaabay howlgal dib loogu soo celinayo “caddaaladda.”

Waxa uu wacad ku maray inuu qaadi tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si uu xukunka uga tuuro hoggaanka militari ee Moscow.

Waxa uu sheegay in ciidamadiisa “ay burburin doonaan wax kasta” oo ka horyimaada.

“Horey ayaan u soconnaa, waxaana soo taaban doonnaa dhammaadka,” ayuu Yevgeny Prigozhin ku yiri farriin cod ah oo uu soo duubay.

Waxa uu intaas ku daray in ciidamadiisa ay soo galeen xuduudda gobolka koonfureed ee Rostov.

Waxa uu dadka Ruushka ugu baaqay inay kusoo biiraan ciidankiisa, islamarkaana ciqaabaan hoggaanka militari ee Moscow, tani oo ah loolankii ugu adkaa ee uu wajaho madaxweyne Putin tan iyo markii uu dagaalka Ukraine billowday sanadkii tegay.

Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa sheegay in dacwad-oogaha guud ee dalka uu madaxweyne Putin ku wargeliyey isku dayga kooxda Wagner ay ku sameeyeen kacdoon ciidan.

“Dacwad-oogaha guud ee Federaalka Ruushka Igor Krasnov wuxuu ku wargeliyey Putin inuu billaabay kiis dambiyeed la xiriira isku dayga lagu abaabulayo kacdoon ciidan oo hubeysan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov.

Wakaaladda wararka Ruushka ayaa ku warrantay in mas’uuliyiinta Moscow ay qaadeen tallaabooyin lagu adkeynayo amniga caasimadda Moscow.

“Waxaa la adkeeyey tallaabooyinka amni ee Moscow. Dhammaan xarumaha iyo kaabayaasha muhiimka ee dowladda waxaa la geliyey xaalad amni oo dheeraad ah,” ayey tiri wakaaladda wararka TASS.

Warbaahinta gudaha ayaa baahiyey muuqaallo muujinaya garaawida dagaalka oo ku sugan waddooyinka caasimadda, oo ay ku jirto meel u dhow wasaaradda difaaca.

Illaa iyo hadda lama soo werin wax isku dhac ah oo dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa Wagner.

Wixii kusoo kordha kala soca Caasimada Online, Inshaa’Allah