Israel yo Xamaas oo ku heshiiyay hal arrin oo cusub

0
2
FILE - In this Monday, March 23, 2015, file photo, Palestinian masked militants of Izzedine al-Qassam Brigades, a military wing of Hamas, take part in a parade to mark the 11th anniversary of the Israeli assassination of Hamas spiritual leader Sheikh Ahmad Yassin in Gaza, in the northern Gaza Strip. Egypt's state news agency is reporting a court has overturned a decision naming Hamas a terrorist organization. The MENA news agency reported Saturday that the Urgent Matters Appeals Court made the decision. They cited a lack of jurisdiction for overturning the early court's ruling. (AP Photo/Adel Hana, File)

Gaza (Caasimada Online) – Israel iyo Xamaas ayaa Isniinti shalay isla ogolaaday in muddo laba maalin oo dheeraad ah ah lagu kordhiyo heshiiski xabad-joojinta afarta maalin ahaa oo ku ekaa xalay.

Muddo kordhinta heshiiskan xabbad-joojinta oo ay ku dhawaaqday dowladda Qatar, ayaa sare u qaaday rajada laga qabo in la helo xabad joojin dheeraad ah, waxaa kale oo la filayaa in arrintani ay suuragiliso sii deynta dadka ay labada dhinac kala hayaan.

33 maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo ay xalay sii deysay Israel ayaa aroornimadi hore ee saaka oo Talaada ah gaaray bariga Qudus iyo magaalada Ramallah ee ku taalla Daanta Galbeed.

Baski waday Falastiiniyiinta laga soo daayay xabsiyada Israel ayaa marki uu soo galay waddooyinka Ramallah la kulmay sacab iyo qeylo farxadeed oo ay kusoo dhaweeyeen Falastiiniyiinta Ramallah.

Dhanka Israel, ilaa 11 Israa’iiliyiin ah oo isugu jiray dumar iyo carruur oo ay sii daayeen Xamaas ayaa xalay gaaray Israel.

Tiradaasi ayaa ka dhigtay Israa’iiliyiinta ay sii deysay Xamaas ilaa iyo hadda in ay gaarayaan 51 iyo 19 kale oo isugu jiray muwaadiniin kasoo jeeda dalal kale. Halka Falastiiniyiinta la sii daayay ay yihiin 150.

Labada maalin ee lagu kordhiyay heshiiska xabbad joojinta oo kala ah Talaadada maanta ah iyo Arbacada berrito ah ayaa laga raja qabaa in labada dhinac ay is weydaartaan tiro kale oo dad ah. Sidoo kale gargaar bani’aadannimo oo dheeraad ah ayaa la filayaa in la geeyo Marinka Gaza.