JOHN KERRY oo kashifay shirqool ay Sacuudiga iyo MASAR u maleegeen IRAN

0
7
WASHINGTON, DC - DECEMBER 28: U.S. Secretary of State John Kerry delivers a speech on Middle East peace at The U.S. Department of State on December 28, 2016 in Washington, DC. Kerry spoke on the need for a two-state solution and defended the Obama administration's approach to Israel. (Photo by Zach Gibson/Getty Images)

Washington DC (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dalka Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in dalalka ku yaalla Bariga dhexe ay Mareykanka ku cadaadinayaan in uu weerar ku qaado Dowladda Iraan.

Mr John Kerry ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak, Boqorkii hore ee Sucuudiga Cabdalla iyo Ra’isalwasaaraha Maamulka Israel Natenyahu ay Madaxweynihii hore ee Obama ka dalbadeen in uu weeraro Iraan.

Obama ayaa markaas ku qanciyay Hoggaamiyayaashaas in uu weerarayo xarumaha lagu farsameeyo hubka Nukliyeerka ee Iraan,hayeeshee hal tallaabo jihadaas uma uusan qaadin.

Mr Kerry ayaa sheegay in hadda hoggaamiyayaasha waddamadaas ay arrintaas wadaan islamarkaana doonayaan in Mareykanka uu dagaal kale ka galo Bariga dhexe.

Waxaa uu ka digay in dagaal lagu qaado Iraan uusan Mareykanka u ahayn faa’ido sida uu sheegay waxaana uu wal wal ka muujiyay in Trump ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee lala galay Iraan sanadkii 2015-kii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]